Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faalo Xiiso leh “Gobolka Banaadir sidee hadda wax lagu siyaa ma sifo qaaraan ah mise si Sadaqo ah ?”

$
0
0

madaxda_dalka
Waxaa haboon in marka hore laba arimood lakala saaro oo aad moodo in la isku qaldayo, Midi waa meeqaamka Caasimada Soomaaliya meesha noqoneyso midina waa mida baryahaan taagneyd oo ah in Gobolka Banaadir kuraas laga siiyo Aqalka sare

Meeqaamka Caasimada Soomaaliya waa qodob Dastuuri ah, Qodobka 9aad ee Dastuurka Soomaaliya “Maqaamka magaalo madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegida dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.”.

Qodobkaan Dastuuriga ah Ma aha mid ay maanta ka doodi karaan Xukuumada hada joogta iyo Xildhibaanada wakhtigoodu dhacay, Waxay u taal howshaas waa Baarlamaanka cusub 2016-2020 iyo Aqalka Sare iyo Xukuumada imaan doonta.

Dooda maalmahaan boorka lagasoo jafayo ee Gobolka Banaadir iyo xubinimadiisa Aqalka Sare.

Dooda ma dhaleyska ah ee hadda la bilaabay,ee la leeyahay Gobolka Banaadir baa xaqisii la duudsiyey,waa ku awr kacsi cusub iyo wakhti lumin,waayo Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo isagu si shakhsiyan ah u daneysanya,kana fekerya kaliya sidii mar labaad loo soo dooran lahaa ayuu dalka iyo dadka ku khasbay in la qaato,oo awooda dalka lagu qeybsado nidaamka qabiil ee 4.5, Madaxweynuhu isagaa diiday nidaamkii ahaa in 18 Gobol ee dalku ahaa waxqeybsiga lagu saleeyo, sidoo kale Madaxweynuhu isagaa dulmiyey xaqii iyo xuquuqdii Dastuuriga ahaa ee ay lahaayeen shacbiga Banaadir.

Tusaale.

Mudadii 4 sano aheyd ee Madaxweyne Xasan Sheekh xukunka dalka hayey xukumudihiisii uu isku bedbedaalayey hal mar umay hawl gelin sidii ay u soo dhameystiri lahaayeen xeerkii Caasimada Muqdisho iyo maqaamkii Federaal ee ay yeelan laheyd.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo kooxdiisa Damul-jadiid hal mar miiska wadahalada ee shirarkii Garoowe iyo midkii madasha wadatashiga qaranka ee Muqdisho sooma ay dhigin su’aal ku saabsan sida uu noqon doono maqaamka iyo matalaada aqalka sare ay ku yeelanyso ee magaalada Muqdisho

Waxaa wax lala yaabo ah in Gobolka Banaadir oo ka kooban 17 degmo,oo haddii nidaam cadaalada u dhow la qaato, isla markaana haddii qaab degaan iyo 18 Gobol ee dalku ahaa qeybsiga kuraasta laba aqal lagu saleeyo, waxa uu Gobolka Banaadir si sharci ah ku heli lahaa in ka badan 50 kursi oo aqalka hoose ee Barlamaanka ah, sidoo kalena tiro aan yareyn waxa uu ka heli lahaa Aqalka sare ee Federaalka,lakiin waxaa dulmay oo maanta cidlada dhigay gobolka Banaadir waa madaxweyne Xasan Sheekh oo dantiisa iyo doorashadiisa shakhsiga ah keliya ka fekeraaya,isla markaana caashaqay 4.5 iyo sidoo kale Odayaal dhaqameedayada kala ah Xaad iyo Axmed diiriye ee ka soo jeeda Cadaado iyo Ceelbuur, oo aan iyagu u dhalan Gobolka Banaadir,lakiin ku hadla magac gobolka Banaadir, kuwaas oo cabsi ka qaba in haddii qaab 18 Gobol wax lagu qeybsado in ay beelaha Mudulood kuraas badan heli donaan.

Aqalka Sare hada sida loo sharaxay

Waxaan wada ogsoonahay in hanaanka Doorashada ee hada la qaatey iney Markii hore ka timid Shariif Xasan iyo Xasan Shiikh soo jeedintoodii ahayd in Aqalka Sare lagusoo dhiso Nidaam Maamul Goboleed halka Aqalka hoosana ay yiraahdeen 4.5

Waxaa Xusid mudan in Soo jeedintii Puntland iyo tii Jubbaland lagu diidey tasoo ahayd in 18 Gobol lagusoo dhiso Aqalka Sare,Aqalka hoosana Nidaam Deegaan oo Degmooyina.

hadii 8 kursi ay qaateen Koonfurta Mudug iyo Galgaduud oo Gobol iyo Bar ah.
Hiiraan iyo Shabeelaha dhexena lasiiyey 8 kursi, Isu geyn waa 16 kursi, Iyadoon ognahay in Awalba ay xaqdoro tahay in Jubbaland oo Sadex Gobol ah lala meel dhigey Galmudug oo Gobol iyo Bar ah. Ama Jubbaland+Koonfur galbeed oo 6 Gobol ah lala meel dhigey Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha Dhexe oo 3 Gobol iyo Bar ah.

Puntland oo 5 Gobol ahna waxaa lasiiyey 8 kusi iyo Sadex lagu qancinayay si ay 4.5 u ogolaadaan.

Iyadoo la xeerinayo Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa xaqdaradaas duuduub lagu liqey.

Laakiin Haatan iyo dan haddii hore loo diiday in qaab degaan iyo gobol wax lagu qeybsado, su’aashu waxay tahay sidee kuraas dheeraad ah oo cusub aqalka sare looga siiyaa Gobolka Banaadir, nidaamkee iyo sharcigeesa loo cuskanayaa, waayo Somali waxaa lagu khasbay nidaamka qabiil ee 4.5,Muqdishana waxaa degga wakhtigan hadda la joogo Beesha Hawiye Kaliya oo 3 gobol iyo bar ku qaatey 16 kursi, ogowna ugu yaraan 4 kuraas oo kale waxay ka helayaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, aqalka hoosena waxay ka heleen 61, markaa qaab sharci oo wakhtigan wax dheeraad ah loo siyo Beesha Hawiye iyo magaalada Muqdisho haba yaraatee ma jiro, hadiise Oday Xaad iyo Axmed Diiriye ay leeyihiin Waa CAASIMAD waxaa iyana khasab noqneysa in iyagna xubno dheeraad ha la siiyo caasimadaha kale ee dalka sida Garoowe,Hargeysa,Kismaayo iyo Baydhabo.

BIG SIZE

Waxaa xusuus mudan, taariikhdana lagu hayaa in wakhtigii uu socday shirkii dibu heshiinta Soomaliyeed ee lagu qabtay Empaghati-Kenya 2002,isla markaana beelaha Somaliyeed laga sugaayey in ay soo gudbiyaan xubnihii Barlamaanka oo markaa lagu qeybsaday nidaamka 4.5,ayaa madashii shirka waxaa ka hadlay Ex-Xidhibaan Maxamed Qanyare Afrax ,isagoo ergooyinkii shirka u sheegay in beeshiisu ay dhib iyo shido badani ka dhex dhacday,isla markaana aanay ku fileyn 61 xubnood ee qeybta nidaamka 4.5 ku heleen,sidaa daraadeedna waxa uu ergooyinkii somaaliyeed ka codsaday in tirada loo kordhiyo.

Maanta waxaa taagan tii oo kale,waxaa wax lagu qeybsaday sidii Madaxweyne Xasan Sheekh, Oday Xaad Iyo Axmed diiriye rabeen ee aheyd 4.5, lakiin waxaa muuqta in qeybtii ay ka heleen aaney weli iimaansan,ee Xamar wax hala siiyo iyo ha naloo kordhiyo ayey wadaan.

Waxaa muuqata sababta dalku 25 sano u degi la’yahay ee colaada iyo dawlad la’aantana ummada somaaliyeed u dhaxashay, waxaa weeye iyadoo weli la raadinaayo in dhar le’eg loo tolo Beel BIG SIZE ah.

Beesha caalamka oo ku wareertay xaalada Soomaaliya ayaa laga soo sheegay, in ay hogaamiyaasha siyaasadeed ee somaalida ku sheegeen kuwo aan weli qaan-gaarin, isla markaana aan waxba lagu aamini karin, oo aan laheyn awood iyo damiir ay ku fuliyaan heshiisayda iyo balamaha ay galaan.

Halkan ka daawo Heestii Wada tashan mayno ee codkii Allaah ha u naxariistee Saado Cali Warsame


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles