Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS—Shirkii Madasha Qaran oo soo gabagaboobay ,Maxaa kasoo baxay

$
0
0

breaking-nes-150x63-1Shirkii Madaxda Soomaalida uga socdey Muqdisho ayaa lasoo afmeeray goor dhaweyd iyadoo inta badan Qodobadii la islasoo qaadey ay afgarad ku dhamaadeen.

Sida ay Howlwadeenada Puntlandi ay xogta ku heleen waxaa hada la qorayaa Warmurtiyeedkii shirka lagusoo gabagabeeyey kasoo laga yaabo inuu beri soo baxo hadii caawa laga gaari waayo.

Qodobka aadka loo hadal hayey ee Gobolka Banaadir iney macquul tahay inuu kuraas ka helo Aqalka sare ayaa gabi ahaan meesha laga saarey kadib markii Raysal wasaaruhu cadeeyey in arintaas ka hadalkeedu uusan waxba soo kordhineyn maadaama Heshiiskii horey loowada gaaray uusan ku jirin, Beesha Caalamka, Puntland iyo Jubbaland ayaa Raysal wasaaraha ku taageeray soo jeedintaas.

Gudiga Amaanka Doorashada oo Dowlada Federaalku soo bandhigtey iyagoon Maamulada kala tashan soo bandhigidiisa ayaa aad looga dooday,Waxaana la isla meel dhigey in lasameeyo Gudi cusub oo lagala tashadey Dowladaha Xubnaha ka ah DF.

Iskusoo duuboo Warmurtoyeedkii shirka ayaa hada la qorayaa, Waxaana sida Puntlandi xogta ku hayo ku qoraan doona oo u badnaan doona dulmar guud oo ku saabsan in Masuuliyiintu ay kulmeen labadii maalin ee lasoo dhaafay ayna kawada hadleen Doorashada iyo qaabkey u dhaceyso.

Mana jiri doonaan Qodobo muhiim ah oo lawada sugaa in laga dhex arko Warmurtiyeedka.

Puntlandi.com
Miqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles