Wararka ka soo baxay caasimada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inuu uu ambabixi doono magaalada Muqdisho,halkaas oo uu uga qayb geli doono shirkii madasha wada tashiga qaranka oo loo wareejiyey, kana dhacaya magaalada Muqdisho maalmaha Sabtida iyo Axada
Sida warsidaha Puntlandi xogta ku helay shirkaan masuuliyiinta madasha watashiga qaranka ayaa qorshuhu ahaa in uu ka dhaco magaalada Garowe 27 Maajo laakiin waxaa ka horyimd Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbaday in shirka loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho.
Dublamaasi ku sugan Muqdisho ayaa Puntlandi u sheegay in sababta Xamar loogu soo wareejiyey ay tahay Codsi ka yimid Madaxweyne Xasan Sheikh oo weli dabada ka riixaya,isla markaana aan ka samrin inuu kuraas sad bursi ah u ku raadiyo magaca Muqdisho, isagoo u arka inuu magaalada Muqdishogudaheeda ku kala shukaansan karo madaxda maamul goboleedada dalka,kuna khasbi karo in ay ogoladaan codsigiisa ah in kuraas dheerada ah oo sadbursi ah la siiyo Beesha Hawiye ee wakhtigan kaligeed degta magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka Muqdisho isaga yareynaaya culeys iyo diidmo ay odayaasha Beelaha Hawiye ku sareen in aanu xilligan kala guurka ka qayb gelin kulmo looga hadlaayo dhameystirka iyo dib u eegida dastuurka dalka oo loo balansanaa inuu ka dhaco Garoowe
Wararka laga soo xignaayo xeeldherayaasha arimaha Somaaliya ayaa tibaaxaya, in Madaxweyne Xasan Sheekh oo hore isugu dayey inuu wax ka bedel iyo dhinac marid ku sameeyo heshiisaydii hab raaca doorashada 2016 isagoo ku adeegana hogaanka iyo xubno ka tirsan Barlamaanka Federaalka ah, lakiin cadaadis iyo cago-jugleyn uga timid beesha caalamka markii dambe xeer Madaxweyne ku ansixiyey heshiiskii, uu weli rajo ka qabo inuu ku qancin karo madaxda maamul goboleedada dalka in ay ogoladaan in dhowr kursi la siiyo magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayey u muuqtay in haddii shirka madasha watashiga lagu qabto magaalada Garoowe sidii balantu aheyd, ay rajadiisa ah in kuraas sadbursi ah la siiyo Muqdisho ay aad u yar tahay,amba aad u adag tahay inuu damiciisa ka fushado magaalada Garoowe, taas oo madaxweyne Xasan Sheekh ku noqon laheyd dhirbaaxo siyaasadeed,isla markaana uu ku lumin lahaa taageerada uu ka helo odayaasha mintidka ah ee Beesha Hawiye.