Ciidamada Illaalada Bada ee Dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyey iney degtay Dooni ay saaraayeen ku dhowaad 350 muhaajiriin ah oo kusoo jeeday Yurub kuwasoo loo badinayo iney kasoo kicitimeen Xeebaha Liibiya.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Markab deg dega waxay u direen goobta shilku ka dhacay waxayna sheegeen iney badbaad sheen ku dhowaad 130 Qof.
Xiligii qoraxdu dhacaysay maanta oo Jimca ah waxay Ciidanku baadigoob ugu jireen badbaadinta Dad kale oo laga badbaadsho shilka laakiin ilaa intii u dambeysay waxaa la badbaadiyey 130 Qof.
Dadka lawaysan yahay iyo kuwa la badbaadshey wali lama cadeyn karo in Soomaali ay ku jiraan iyo in kale.
Puntlandi.com
Rome