Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa tacsi tiiraanyo xambaarsan wuxuu u diray Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Adeerkiis Cabdullaahi Cali Gaas uu ku geeriyooday maanta Magaalada Nairobi.
Raysal Wasaare Cabdiwali Sheikh wuxuu Marxuumka illaahay uga baryayaa Jano waarta iyo inuu Samir kasiiyo Ehelkiisii gaar ahaan Qoyska Reer Cali Gaas.
“Saaxiibkay Cabdiwali Gaas waxaan uga tacsiyeynayaa geerida adeerkiis oo maanta ku geeriyooday Nairobi, waxaan u tacsiyeynayaa guud ahaan Reer Cali Gaas, Marxuumkana ilaahay qabriga ha u waasiciyo dambigiisana alla ha dhaafo, Aamiin Aamiin” ayuu yiri Raysal wasaarihii hore Cabdiwali Sheikh Axmed isagoo ku sugan Nairobi.
Puntlandi.com
Nairobi