Jaaliyada Puntland ee Dalka Norway ayaa shalay oo axad ahayd waxay isugu yimaadeen shirweynihii Jaaliyada oo ka dhacay OSlo, halkaasoo Gudiyadii iyo Masuuliyiintii jaaliyadu ay kusoo gudbiyeen waxqabadkii Jaaliyada, waxayna ka dib soo ban dhigeen Musharixiinta u taagan iney u tartamaan hogaanka Jaaliyada labada sano ee soo socda.
Waxana la doortey inuu jaaliayada hogaansho Mudane Xirsi Cali Maxamuud(Gaaciro) Waxaana Gudoomiye Xigeen loo doortey Ubax Cabdullaahi Abshir.
Masuuliyiintii hore ee Jaaliyada Maxamuud Xuseen Aadan iyo Ing. Cabdifitaax Cabaas Cali ayaa la dardaarmey hogaanka cusub iyagoo u rajeeyey shaqo wacan mudadaas labada sano ah ee Xilka loo doortay.
Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Saciid Daahir Dhimbil oo kulanka lagu casumay ayaa Khudbad uu ka jeediyey wuxuu ku booriyey Jasliyada iney ka shaqeeyaan midnimadooda.
Gudoomiyaha cusub Xirsi iyo kuxigeenkiisa Ubax Cabdullaahi