Sargaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIA) ayaa Waraysi kooban oo uu siiyay Warsidaha Puntlandi uga waramay La-dagaalanka Argagixisada.
Sargaalku wuxuu noo sheegey in Siyaasada Puntland ee la dagaalanka Argagixisasada uu cad yahay, Argagixisada iyo kalkaaliyohoodu qabiil ma lahan haduu walaalkaa yahay xitaa wuxuu mudan yahay ciqaabta ay mudan yihiin kuwa kale.
PIA shaqadeedu ma ahan mid dadka lagu tuhmo argagixisada ukala saarta Reer Puntland iyo Soomaalida kale, Waxaan ula dhaqanaa isku si waxaana kuu hubaa inaan ciqaabta u badino kan magaca kula sheeganaya ee kugusoo duulaya.
Wuxuu Sargaalku yiri “Al-shabaab ma yaqaanaan Mudaharaad iyaga loogasoo hor jeedo mana yaqaanaan Tacsi, Waxay yaqaanaan xanuujin iyo in loola dhaqmo sidey iyagu dadka ula dhaqmaan, Waa fulayiin xabada ka carara, waxay adeegsadaan oo is qarxiyaa waa caruur iyo kuwa daroogaystayaal ah ama soo ahaan jirey oo ay maskaxdooda daroogadu wax u dhintay.”
Sargaalku wuxuu kaloo yiri ….”Waxay Shacabka koonfurta Soomaaliya ka dhaadhiciyeen in Al-Shabaab Geesiyiin yihiin oo ilaa xabadu ka dhamaato ay dagaalamaan, aysana ka baqin dhimashada, Taas waa been ay dadka ku bajin jireen, Puntland horay u taqaanay 1993 dii waad ogoydeen waxaan ku dhigney aabayaashii dhalay Al-shabaab ee la oran jirey Al-itaxaad, markale waa markhaati ma doontaan oo waad aragteen Dagaaladii hada u dambeeyey ee SUUJ iyo Garacad, Ciyaal bay iskasoo hor mariyeen kuwoodii waaweynaana Markii arintu kharaaraatey bay kabaha iyo hubkii ay wateen tuureen oo waxaa ku dhacay Ooraahdii Sayidku yiri “Carar maxay ku dhaantaa”, kana aanaan harin oo dharbaaxadii ku dhacdey waa lawada ogaa iyagoon hub wadan oo firxad ah bay intii hartey u carareen meeshay ka yimaadeen, Waana ka daba tagi karey ee amarka aan heysano ayaa ahaa inaanaan xadka Puntland aanaan dhaafin”
Sargaalku wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey “Waxaa hada la joogaa xiigii Al-shabaab loogu tagi lahaa deegaanada ay ugxantoodu taalo, waa sida kaliya ee looga adkaan karo, Dowlada Puntland waxaan ka codsanayaa in iyadoo kaashaneysa Dowlada Federaalka, Maamulada ka jira deegaanada ay joogaan oo ku dhuumanayaan madaxda Shabaabku iyo waliba Wadamada dariska in Ciidanka Puntland loo ogolaado laguna taageero iney Al-shabaab kula dagaalamaan deeganadaas, hadii fursadaan aan helno waxaan hubaa oo balan qaadeynaa hadaan nahay Ciidanka Puntland in wakhti yar aan kusoo afjari doono Al-shabaab madaxyadoodana geedaha kasoo laalaadin doono.
Sargaalkaan wuxuu naga codsadey inaanaan magaciisa aanaan xusin,
www.Puntlandi.com