Sida wararka ay ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi, 24 saac ee la soo dhaafay waxaa Garowe ka socdey dadaalo uu Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid ku cabirayay bal in Puntland ay wax ka badali karto mowaqifka adag ee ay ka qaateen Nidaamka 4.5 ka.
Sida ay Puntlandi warka ku hayaan Dowlada Puntland wali waxay taagan tahay oo ku adkeysteen Mowqifkoodii ahaa in aan Doorashada sanadkaan iyo waliba mar kale aan lagu galin Nidaamka 4.5 ka.
Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid wuxuu sameeyey Dadaalo dhowra oo uu isku dayay in Puntland lagu qanciyo iney kasoo dagaan geedka dheer ee ay fuuleen, Wafdigii uu hogaaminayay Safiirkii hore ee Turkiga iyana isku day dhowra ayay sameeyeen laakii wax natiijo ah kamasoo bixin.
Sida Puntlandi warka ku hayo Xukuumada Puntland waxay si toosa ugu sheegeen Turkiga in Gorgortanka iyo wada xaajoodku uu hada dhex yaal Soomaalida dhexdeeda, Turkigana aan hada boos uga banaaneyn, Turkiguna ula mid yahay Wadamadaas kale oo Beesha Calamka kamidka ah, Markii wakhtigooda la gaaro ayaan Turkiga kawada hadlikaraa 4.5
.
Dhinaca kalena waxaa hada gabaabsi ku dhow rajadii uu Raysal wasaaruhu ka qabay in go’aan lawada gaari karo, Arbacadii wuxuu Raysal wasaaruhu baajiyey kulankii uu la qaadan lahaa Bulshada Rayidka ah oo jadwalka ugu jirey inuu la kulmo, baajinta Kulankaas waxaa loo aaneynayaa Raja xumadii uu Raysal wasaaruhu kala kulmey kulamadii Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Faroole.
Wararka ugu dambeeya ee Maantoo Jamce ah ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi waxay sheegayaan in Puntland ay wali ku dhegan tahay go’aankeedii, Raysal wasaaruna wuxuu u muuqdaa inuu dhowaan dalban doono Diyaaradiisii isagoon wax guula ka gaarin Safarkiisii.
Puntlandi.com
Garowe/Bosaso