Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Ahmed oo iminka ku sugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Saciid Cali Yusuf (Gaada yare) iyo shacabkii kale ee ku dhintay qaraxa maanta ka dhacay Gaalkacyo.
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheikh wuxuu yiri “Waxaan ka tacsiyeynayaa dhamaan Dadkii ku geeriyoodey weerarkii Argagixisadu ka geysatay Gaalkacyo maanta (31 maarso), Waxaan si gaara uga tacsiyeynayaa Geerida marxuum Gaada yare oo aan si fiican u aqaaney, Caruurtiisii Xaasaskiisii iyo Ehelkiisa iyo guud Ahaan Reer Puntland waan Uga tacsiyeynayaa, Marxuumkana gacan ka xaqdaran baa dishey Illaahay naxariistiisii ha geeyo Aaamiin Aamiin.”
Dhinaca kalane Ra’iisul Wasaarihii hore wuxuu cambaareeyey falkaas fulaynimada ah ee Argagixisadu ka geysatay Gaalkacyo.
Puntlandi.com
Post@puntlandi.com