Madaxweynaha Soomaaliya Md Xassan Shiikh Maxamuud oo Beesha Caalamka Siisay Digniin Kama Danbeeyn ah Waqti Dhan Ilaa Iyo Bisha April 10 2016 in uu kusoo afmeero The Election Implementation Plan.
Shir qarsoodi ah oo Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Soomaalia Md Xassan Shiikh Maxamuud ayaa shir ku dhexmaray maagalada Muqdisho gaar ahaan ,Villa Soomaalia dhowr asbuuc muddo laga joogo, waxaana kulankaasi looga wada-hadlay waqtiga doorashada ka dhiman oo aad u yar iyo xalinta mashaakilada hortaagan habka aay doorashada ku dhici laheeyd.
Wada-hadalka oo qaatay saacado ayaa waxaa ugu muhiimsanaa wada-hadalka in dowlada soomaaliya uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Md Xasan Shiikh uu suurta galin weeyey in uu xal u hello khilaafyada iyo is qab-qabsiga siyaasadeed ee harereeyey habka ay doorashada u dhici lahayd, dodo badan ka dib Beesha Caalamka waxeey madaxweynaha Soomaaliya siisay digniin kama danbeeys ah oo ku saabsan in lagala wareegi doona April 10 2016 hadii dowlada Soomaaliya xal aay ku keeni weeydo habka doorashada ku dhici doonto.
Dowlada Soomaaliya, beesha caalamka waxeey fursad u siisay ilaa bisha April 10 2016 hadii aay dowlada xal u hili-weydo in beesha caalamka aay la wareegi-doonto The Implementation Election Plan of 2016.
Hadaba Maalmahan Damul Jadiid waxeey laba jibaareen dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee ku doonayaan in aay ku soo afmeeraan The Implementation Election Plan of 2016 inta aan la gaarin bisha April 10 2016 islamarkaana waqtiga la diriraaya.
Labada gobol oo ugu daran waa maamulka Puntland iyo Baladweyne oo Ku noqday Damul Jadiid laf dhuun gashay, Dhabar adeega iyo qar iska tuurka Madaxweyne Xassan Shiikh uu baladweyne u fadhiyo iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabadirashiid oo Puntland Fadhiya, shacabka soomaaliyeedoow waa waqtiga heesta Madaxweyne Xasan sheikh iyo Asxaabtiisa.
Dhaqone Raage