Mahadda Eebe dabadeed, waxaan marinayaa mowjadaha ogaallada tebiya hambalyo iyo bogaadin ku socota ciidamada Dal-udug, guushii ay dhowaan ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen kooxihii weerarka ahaa. Intii dhimatay allaha gaarsiiyo raxmaddiisa faxan, inta bugtana allaha fiyoobeeyo.
Waxaa iyadana ah arin qaddarin mudan, isku duubnaantii ay muujiyeen dad-waynaha iyo xukuumadda Dal-udug, taas oo u sahashay howl ay ku fashilmeen maamullada Soomaaliyeed iyo mu´asasaadka caalamiga ah ah ee sheeganaya in nabadgelyada ka taageeraan. Xaaladdaas colaadeed oo aad mooddo in ay Dal-udug ugub ku tahay ayaa misana waxay u muuqataa mid leh weji bilow ah. Arintaas waxaa weheliya xaalad abaar iyo xaalad siyaasadeed ee aanan xasillooneyn ee degaanka camimtay.
Sidaa darteed ayaa hambalyadeydii waxaan soo raacinayaa dhambaallo saddex ah oo gaagaaban. Dhambaalkeyga 1-aad wuxuu ku wajahan yahay dad-waynaha Dal-udug oo ah dad xoriyadda jecel. Xoriyadduna maahan fowda iyo is dhex-yaac ee waa faham leh mug iyo milgo culus, taas oo asaaskeedu yahay, in qofku uu si buuxda u madax-bannaan yahay isaga oo aanan qof kale dhibaato u geysaneyn.
Si wada-jir ahna looga shaqeeyo danta guud. Colaaddan wejiga cusub yeelatay, waxaa kaga filan in foojignaanta la kordhiyo lana tala-geliyo saraakiisha aqoonta sare leh ee howl-gabka ah ee ku sugan Dal-udug.
Iyagu waxay kamid yihiin keydka difaaca ee Dal-udug leedahay. Ooraah ayaa jirta oraneysa: Markaad adiguna is-ogtahay, cadowgaaguna aad ogtahay, sabab ma-jirto aad ku garan-weydo natiijada dagaalka aad ku jidho. Dhambaalkeyga 2-aad wuxuu tilmaamayaa abaaraha soo noqnoqanaya oo muddada qarniyada ah ku mataansanaa cimilada geeska Afrika.
Dal-udug(Puntland) waxay mar-walba kamid ahayd meelaha ugu dhaawaca xooggan oo abaaruhu hardida ku dhuftaan. Nasiib-darro heer qaran iyo heer degaan midna weli looma helin istraateejiyad siyaasadeed ee lagaga baxo dhibaatadaas joogtada ah. Waxaynaan ogayn, biyaha ku jira dhulkayaga hoostiisa in ay inooga qiima badan-yihiin batroolka aanu baadi-goobeyno.
Sidaa darteed, dhambaalka labaad oo aan u gudbinayo si gaar ah Dal-udug, si guudna siyaasiyiinta maamullada kale ee Soomaaliya, in ay ku deg-degaan naqshadeynta siyaasad lagu soo saaro biyaha hoos maraya dhulka. Haddii arintaan wakhti gaaban la siiyo oo mu´asasaadka dhisan ay xoogga saaraan, si fudud ayaa looga yool gaari-karaa, dadka iyo bahaahimkuna lagu haraad bi´in-karaa. Waxaa xusid mudan, qaar kamid ah dowladaha khaliijka oo biyuhu ay ka sii dhamaanayaan, siyaasaddooda biyaha in ay timaaddada ku xisaabtamayaan biyaheenaas aanu ka harraadannahay.
Ooraahdii Soomaaliyeed waxay ahayd: Biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa. Innaga oo cirka eegeyna xilliga roob-doonka, dhulkana aanu eegno oo taladeedii la imaanno. Dhambaalka 3-aad wuxuu yahay siyaasadda lagu xambaaro aratgtida ah afar dhibic shan, in-kasta oo ay tahay hannaan ku cusub caalamka oo Soomaali oo keliya ay dhaqan-gelisey, misana saddex dowladood oo kala danbeeyey, mid walibana afar sanadood shaqeysey, ayaa ku dhaqmay. Mid waliba waa ay ku guul-darraysatay wixii loo igmaday oo ay ugu fududeyd in laga guuro hannaanka ah afar dhibic shan. Mowqifka Dal-udug ee diidmada ah, wuxuu u muuqdaa mid iyadana ay isku badbaadineyso, Soomaalina badbaadinaya, kaas oo siyaasadda dalka u hayaaminaya helitaan hannaan siyaasadeed ee casri ah.
Haddaba Dal-udug in ay curyaannimo la fadhido maahan ee waxaa la gudboon in ay tallaabo siyaasadeed la yimaadaan oo ururadii siyaasadeed ay dhisaan. In loo howl-galo sidii loo xasilin lahaa xeerarkii xisbiyada, isla-markaas loo qaadi lahaa olole wacyi-gelin oo dad-waynaha lagu gaarsiinayo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasadda degaanka.
Haddii hannaanka xisbiyada uu kol hore ka hir-geli lahaa Dal-udug, sheekadu maanta ma taagnaateen in afar dhibic shan lagu shaxaatamo. Bal waxay taagnaan lahayd in Dal-udug ay gacanta ku heysato warqaddii beddelka ahayd oo lagu deyan lahaa, looga gudbi lahaa afar dhibic shan. Ugu danbeyn waxaan ku soo gaba-gabeynayaa, Allaha janno iyo raxmad siiyee Cismaan Yuusuf Keenadiid oo xaaladdan oo kale ka hadlay, nus qarni horteed wuxuu yiri:
Sidee lacag ku tacabtaa haddey toogadeen noqotay
Nin waliba tawaan iyo hadduu tiisa ku ekaaday
Xurmaa taqaddun keentee haddii leys tix-gelin waayay
Tol-tolnimo iyo qabiil haddii la-ina taabsiiyay
Teersona raga an baran haddii taladi loo dhiibay
Taageerki leegada haddii leysku tuhumeystay
Dadkii tuunsanaan jiray hadduu kala taggii joogo
Tallaahidiyo dhaartii haddii leyska wada tuurey
Tafaraaruqa kuwaa innagu ridey toodi suubsade´e
Tows aan baxayn iyo bugtey nagu tallaaleene
Tubtii innaga leexshiyo jidkii innagu toosnaaye
Tashigiiba sida loo gafaan weli tebaayaaye
Towfiiq ma-noqon wiilashii taajka loo suraye
Tacaddi aan yarayn baa ka dhacay tay ku kacayeene (Cismaan Yuusuf Keenadiid).
Qore Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com