Anigoo ku hadlaya magaca Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Somaliyeed ee Qurba Joogta North America,
Ugu horreyntii waxaa sharaf weyn noo ah in Ciidamada Difaaca Puntland ay guul ballaaran ka soo hoyiyeen dagaalkii ay uga hortageen argagaxisada al-Shabaab ay ku soo qaadeen deeganada Puntland.
Waa tusaale wanaagsan iyo cashar lama ilaawan ah ee Ummada Somaliyeed ay uga dayan karaan isku duubnaanta shacabka iyo Ciidamada Difaaca ee reer Puntland.
Waxaannu u diraynaa hambalyo diiran oo kal iyo lab ah Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli Gaas iyo xubnaha Dwoladiisa, Gaarahaan Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaca Puntland, Saraakiisha, Askata iyo dhammaan Shacabka Puntland ee mudan ku dayashada.
Bal eega dhibaatada Shabaab ku hayo Caasimada Dowlada Somaliyeed Muqdisho. maalin waliba qaraxyo lala beegsanayo Madaxtooyada, hoteelada, wadooyinka, Xeebta Liido, suuqyada oo ah hal-bowlaha dhaqaalaha, dugsiyada, masaajidyada, airport-ka dayaaradaha iwm. Aydoo ay joogaan kumanyaal Ciidamada DFL iyo Ciidamada AMISOM oo ku hubaysan qalab casri ah.
Sua’al weyn ayaa ka jirta sababta ay isaga celin la’yihiin Shabaabka!
Akhristow adaan kuu daynayaa Jawaabta! Balse waxaa ila qumman in loo dhiibo Ciidamada Difaaca Puntland Howsha AMISOM ay ka hayso Muqdisha iyo Koonfurta Somaliya islamarkaana lagu wareejiyo dhaqaalaha ay AMISOM ku qaadato magaca Somalia.
Waxaan kaloo ku talin lahaa in Ciidamada Difaaca Puntland loo xilsaaro tababarka, hanuuninta, dhaqan celinta iyo sare u qaadidda wadaniyadda Ciidamada DFL ee bartamaha iyo koonfurta Somalia.
Ku adkaysta Somalinnimada iyo diidmada (4.5).
Guulaysta
Gen. Mohamed Osman Qaadi
Prof. Khabiir ku Xeeldheer Arrimaha Ciidamada iyo Siyaasadda.
Email: mohamedo.qadi@gmail.com