Kulamada ka socda Garowe ayaa laba waji kala xambaarsan sida uu Puntlandi u sheegey Sargaal ka tirsan Dowlada Puntland.
Kulamada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah kuwo xambaarsan arrimo siyaasadeed oo ku salaysan sidii bal xal horey loogu socdo looga gaari lahaa Qaabka ay u muuqaneyso doorashada Ogoosto 2016.
Ra’iisul Wasaaruhu kulamo ayuu shalay la qaatey Mas’uuliyiinta Puntland iyo Siyaasiyiin Ruug cadaa ah, wuxuuna usoo bandhigey qorshaha uu Garowe u yimid.
Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Cumar Cabdirashiid uu Galabta la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland waxaana lawada falan qaynayaa Ajandaha oo ah 4.5
Iskusoo duuboo sida ay Howlwadeenada Puntlandi xogta ku hayaan (Shalay oo sabti ahayd) Ra’iisul wasaaraha waxaa boorsada ugu jiray dhowr qodob oo uu usoo bandhigey Reer Puntland, oo ku yiri Qaata qodobadaas oo aqbala 4.5. Halkaan ka akhriso warbixintii aan shalay ka qoray afartaas qodob oo ah xog ay Puntlandi heleen.
Wafdiga IGAD Wafdiga IGAD ee saaka soo gaaray Garowe uma socdaan Ajandaha uu Ra’iisul Wasaaruhu u joogo Garowe, Waxay u yimaadeen iney Dowlada Puntland isla meel dhigaan Mashaariicda horumarineed iyo qaabka loo amba qaadayo.
Wararka ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi waxay xaqiijinayaan in ujeedka Safarka IGAD uusan wax siyaasada ku lug lahayn.
Maxaa Maanta cusub
Madaxweynaha Puntland Dr Gaas wuxuu maanta kulan la qaadanayaa Wagdiga IGAD, Halka Ra’iisul wasaare Sharmaake uu isna Galabta la kulmi doono Madaxweynaha, hadii galabta laga gaariwaayo wax natiijo ah waxaa malainta beri dhici doona shir Saxaafadeed ay Mas’uuliyiintu kula hadli doonaan Saxaafadd..
Sida Puntlandi ay Xogta ku hayaan Ra’iisul Wasaaruhu wax natiijo ah oo la sheego kalama uusan kulmin safarkiisa Puntland illaa iyo hadda,waxayna u muuqataa in uu Muqdisho ku laaban doono iyadoo uu xaalku wali taagan yahay Puntland oo wali leh NO 4.5 iyo Ra’iisul wasaarah oo Muqdisho la tagi doono”Kaarkaan shaqayn mayee aan kaar kale ku day’no”
Puntlandi.com
Garowe