Illo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Puntlandi uga waramey Qorshaha cusub ee Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid xambaarsan yahay ee uu la yimid Caasimada Puntland ee Garowe ee ah sidii Puntland iyo Dawlada Federalku isugu soo iman lahaayeen mar kale miiska wadahadalka, ee looga arinsanayo xaajada cakiran ee ah dariiqii loo mari lahaa Doorasho dalka ka dhacda dhamaadka mudo xileedka Dawlada Federaalka ee uu hogaamiyo Mudane Xasan Sheekh ee ku eg Bisha Ogoosto ee sanadkan 2016
Sida Puntlandi xogta ku heshay wuxuu Raissal wasaaruhu la yimid dhowr oo cusub oo suubis ah,kuwaas oo kala ah.
- -In Puntland loo kordhiyo tirada wakiilada ay ku yeelanyso aqalka sare,taas oo ay soo jeediyeen in laga dhogo 14 kursi, Wadahadaladii hore waxaa Pubtland loo qoondeeyey 11 kursi hadase waxaa loogu darayaa 3 kursi oo lagasoo jaray Somaliland, Soomaaliland
- In xarunta Dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya ah loo soo wareejiyo magaalada Garowe
- In La bixiyo mushaaharka ciidamo dhan 3000 Askari oo ka mid ah askarta Puntland ah.
- Waxaa kale oo soo jeedintooda ka mid ah fulinta dhowr mashruuc.
Sida Puntlandi xogta ku heshay wali wax natiijo rasmi ah lagama gaariin, laakiin Raysal wasaaruhu wuxuu Puntland usoo bandhigay afartaan Qodob tasoo badalkeeda laga rabo iney Puntland aqbasho nidaamka 4.5 in lagusoo dhiso Aqalka hoose.
Wararka Puntlandi helayaan waxaa ka mid ah in puntland ay iyana miiska soo saareen.
Wararka ay warbaahinta Puntlandi helayso waxay sheegayaan in wadahadaldu ku jiraan marxalad bilow iyo wadatashi,sidoo kale Raisal Wasaare Cumar C/rashiid waxa uu saaka gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Dr.Cabdrixmaan Sheekh Maxamuud Faroole..
Wadahadalka rasmiga ah waxuu Garowe ka bilaabanayaa Galabta.
Wixii kasoo kordha Socdaalka Raysal wasaaraha iyo wuxuu Pubtland kala kulmo kala soco Puntlandi.com
Puntlandi
Garowe