Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shirarkii Hiiraan oo guuldaro ku dhamaaday iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u soo noleeyey kala qaybsanaantii Beelaha Bariga iyo Galbeedka Baladweyne

$
0
0

2016327635946669770697411IMG_9059

Wararka uga dambeeyey ee laga helayo Magaalada Baledweyne ee Caasimada Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Shirarkii uu Madaxweyne Xassan Sheikh la lahaa Ugaasyada Gobolka Hiiraan uu Fashil ku soo dhamaaday.

Madaxweynaha ayaa saaka wuxuu la shirar kala qaybin beelaha la yeeshay qaar kamid ah Ugaasyada ka soo jeeda Beelaha dega Galbeedka Baladweyne, wuxuuna ka dalbadey iney ka qayb galaan Gogosha taal Jowhar laakiin qaar ka mid ah Ugaasyada uu Madaxweynuhu la kulmey ayaa Madaxweynaha waxay u sheegeen ineysan arintaas ka jawaabi karin kaligood oo ay u baahan yihiin in wakhti lasiiyo Ugaas yada hada kulanka ka maqan.

Ugaasyada la kulmey Madaxweynaha ayaa maanta kulankii Madaxweynaha ka dib waxay la kulmeen Ugaasyada kulanka saaka ka maqnaa oo ay ka mid yihiim Ugaas Xassan Ugaas Khalif, Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed, Waxayna u sheegeen wixii ay kuwada hadleen Madaxweynaha, Sadexda Ugaas ayaa si cad arinta u diidey iyagoo aad uga caraysan kala qaybinta Beeleysan iyo kala shukaansiga uu Madaxweynuhu ka dhex wado Shacbiga reer Hiiraan.

Kulankaa Oday- dhaqameedyada ayaa afgaranwaa ku dhamaadey, kadib Madaxweynaha oo adeegsanya,kana faaiideysanaya kala qaybsaantii taariikheed ee Beelaha wadadega Gobolka Hiiraan ayaa Shan ugaas oo ka soo jeeda Beelaha Galbeedka Baladweyne ku qanciyey in ay ka soo horjeestaan mawqiifka Ugaaska Guud Beelaha Hiiraan Ugaas Xasan ugaas Khaliif oo isagu ka soo jeeda Beesha Xawaadle ee degta Bariga Magaalada Beledweyn, ka dibna shan Ugaas oo ka soo jeeda Bariga Beledweyn oo uu weheliyo Wasiirka Arimaha Gudaha C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa waxay Shir jaraa’id ku Qabteen Magaalada Baladweyne Saaka iyagoo shaaca ka qaadey in Reer Hiiraan isku raaceen in laga qayb galo Shirka Jowhar.

Waxyar ka dib ayaa Hotel ku yaal Magaalada waxaa iyana Shir jaraa’id ku qabtay Ugaas Xassan Ugaas Khalif, Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas waxayna Sheegeen inuusan jirin wax heshiis ah oo lawada gaaray.

Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad oo kamid ah garabka Heshiiska lagalay Madaxweynaha ayaa Saxaafada u sheegey in lagu heshiiyey in dib loogu noqdo Jowhar lagana qayb galo shirka Jowhar.

Ugaasyada maanta ku dhawaaqay in ay  ka qeyb-galayaan shirka Jowhar ayaa kala ah

Ugaaska beesha Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi.

Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan.

Wabarka Baadi-cadde Wabar Max’med Wabar Axmed.

Ugaas beesha Jidle, Ugaas C/naasir Ugaas Nuur iyo

Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad.

Halka dhinaca kale, go’aankaan ay is hor-taageen Ugaasyada kale ah,

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif,
Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo

Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec.

Qabiil u kala qaybi ka dibna xukun
Talaabadan maanta uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ee uu si isir iyo qabiil ah ugu kala qaybiyey duubabkii iyo shacbigii dantu ka dhaxeysay ee reer Hiiraan ayaa ah mid ceeb iyo waji gabax ku ah sunada dawladnimo iyo damiirka masuuliyadeed ee xafiiska uu hayo,waxyna khatar ku tahay deganaanshaha iyo nabadgalayda Shacbiga reer Hiiraan ee hadda ka soo doogay dhaawacyadii iyo raadadkii xumaa ee uu ku reebay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Puntlandi.com
Beledweyn


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles