Waxaa maanta laga martiqaaday Baarlamaanka Boqortooyadda Ingriiska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Deeq S Yusuf isagoo xafiiskiisa kula kulmay Mudane Xildhibaan Andrew Rosindell oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arimaha dibedda èe Baarlamaanka Boqortooyadda Ingriiska iyo Mudane Daniel Kawczynki oo ah Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka iyo Councillor Alexander Stafford oo dhamaantood ka tirsan xisbiga talaada haya ee Conservativeka.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland oo uu weheliyo Gudoomiyaha Puntland Diaspora Forum ee UK Mudane Mohamud Abdullahi Jamac ayaa ugu horayntii uga warbixiyey horumarka ka jira Puntland.
Intaasi kadib waxay ka wada hadleen sii loo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Boqortooyadda Ingriiska iyadoo arrimaha ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen la dagaalanka argagixisadda, arrimaha doorashooyinka Puntland iyo sidii loo taabagelinlahaa, iyo sidii jaaliyadda Puntland ee UK door muhiim ah uga ciyaari lahaayeen siyaasadda UK.
Ugu danbeyntiina, wuxuu shirkii ku dhamàaday is afgarad iyadoo uu Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland martiqaad rasmi ah u fidiyeey Gudoomiyaha Guddiga Arimaha dibedda èe Baarlamaanka Boqortooyadda Ingriiska in uu Puntland ku yimaado.