Madaxweynihii hore ee Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Maxamed Abshir Walde.
“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Qoyskayga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Caruurtii , Ehelkii iyo guud ahaan Shacabka Puntland geeridii ku timid Marxuum Maxamed Abshir Walde oo galabta ku geeriyoodey Magaalada Nairobi.
Maxamed Abshir Walde wuxuu ahaa nin Soomaalinimadu ku wayntahay, wuxuu ahaa saaxiibkey Waxaan illaahay uga baryeynaa Jano waarta iyo dambi dhaaf.”
Aamiin Aaamiin