Haddaan nahay Soomaali, waxyaalo badan oo u baahan in la kala saaro baynaan kala saarin, sababo kala duwan dartood. Waxaynnu ku dhaqannaa erayo badan oo ka soo jeeda luqado ajnabi, sida carabiga.
Eayga ”culumo ama culimo” oo ah eray carabi ah siyaalo kala duwan oo an sax ahayn baynnu u isticmaaleynney waligeen, aqoonta luqada carabiga oo inaku yarayd awgeed.
TAN 1AAD:
In la yiraahdo ’hebel waa nin culumo ah’ sax maaha. Labo sababood dartood:
Horta eragu culumo iyo culimo midna maaha ee waa ‘culamaa;’
Midda kale erayga ‘culamaa’ waa wadar ama jamac ka yimid erayga ’caalim’ = khabiir/academic iwm.
TAN 2AAD:
Culamaa waa tilmaan u taagan heer aqooneed. Tilmaantaasna waxaa wadaaga oo ay ka dhexaysaa dhammaan dadka leh waxbarasho sare (sida heerarka loo yaqaan ‘master’s degree’ ama ‘P.hD’), diini iyo maaddi tii ay rabto ha ahaatee.
TAN 3AAD:
Erayga ‘caalim wuxuu la mid yahay khabiir, aqoonyahan/jaamici sare iwm. Tilmaantaasina maaha mid lagu garan karo qofka muuqaalkiisa ama labbiskiisa.
TAN 4AAD:
Jaahwareer, khal-khal, fawdo aqooneed iyo mid bulsho ayaa ku imaanaya bulshada, hadduusan jirin nidaam la kala garan waayo heerarka waxbarasho oo dadku kala leeyahay.
Dhibaatooyinkaasina hadda waa ay ka jiraan dhexdeenna, waana mid ka mid ah sababaha ay wax inooku hagaagi la’yihiin.
Qore: Siciid Cabdille Cali