Warar dheeraada oo laga helay baaritaankii Diyaaradii Daalo Airline ee shalay Qaruxu ka dhex dhacay xili ay duulimaad hoose ku jirtey ayaa la xaqiijiyey in Diyaarada uu badbaadiyey daahitaan ay markii hore daahday.
Baaritaan lagu sameeyey Diyaarada ayaa la ogaaday in waxyaabaha Qarxa la saaray Diyaarada kuwasoo loogu tala galay iney qarxaan marka Diyaaradu ay gaarto hawada sare.
Diyaarada ayaa inteysan Muqdisho ka duulin waxay sameysay daahitasn dheer oo waxay ka daahday xiligii loogu tala galay iney duusho, dhinaca kalena qaraxa Diyaarada lagu qariyey ayaa lagu rajistareey mudo laga qiyaasay xiliga ay caadi ahaan u duuli lahayd tasaana keentay in uu qaruxu qarxo xili ay diyaaradu marayso hawo dhow.
Hadii diyaaradu ay duulilahayd xiligeedii caadiga ahaa waxay qarxi lahayd iyadoo maraysa hawada sare tasoo ay adkaan lahayd in la badbaadiyo.
Waxaa xaqiiq ah in Rakaabkii saara Diyaarada oo 77 qof ahaa ay ku badbaadeen Daahida ay Diyaaradu ka daahday iney Muqdisho ka duusho xiligeedii caadiga ahaa.
Waxaa loo badinayaa in Weerarkaan ay ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah balse wali cid sheegatay ma jiraan.