Garoomada Diyaaradaha Istanbul, Jabuuti iyo Nairobi ayaa hakad galiyey dhamaan Duulimaadyadii ka iman jiray Muqdisho.
Kadib markii la ogaadey in Qarax ku qarxay Diyaaradii Daalo Airline ee shalay iyadoo qaacaysa kusoo laabatay Aadan Cade International ee Magaalada Muqdisho, Qaraxasoo ahaa mid ai qarsoodi ahla saarey oo ka sameysnaa waxyaabaha qatxa balse hadana ahaa mid aad u yar.
Dhamaan Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Muqdisho Airport waxaa la galiyey hakad ilaa jawaab rasmi ah lagasoo saarayo baaritaanada ku socda sababta fududeysay in Diyaarada la saaro waxyaabaha Qarxa iyo cida ka dambeysay.
Sargaal ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade Airport ee Magaalada Muqdisho ayaa Puntlandi u sheegay in qaraxa diyaarada uu dhawac u geystey duulimaadyadii imaan jirey Magaalada, walina waxaa jira cabsi soo foodsaartey Rakaabka Diyaaradaha.
Sargaalku wuxuu raaciyey in Amaanka Garoonku uu lamid yahay amaanka Garoomada kale ee Caalamka falkaana uu yahay midkii u horeeyey abid oo ka dhaca Garoomada Soomaaliya, “Wadamada naga awooda badan ayaa falkaan oo kale ka dhacaa” ayuu Sargaalku raaciyey isagoo naga codsadey in mahaciisa aan qarino.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayday iney shilka ka dhigto dab qabsadey Diyaarada dhexdeeda, ilaa hada kama aysan hadlin Qaraxa lala beegsadey Diyaarada Rakaabka.
Diyaatada Daalo Airline Shalay ayay ka duushay Gagida Diyaaradaha Muqdisho waxaana saaraa Rakaab ka badnaa Boqol Qof, Waxay Diyaaradu kusii jeeday Jabuuti, 19 daqiiqo markay hawada ku jirtey ayaa rakaabkii Diyaarada waxay maqleen Jug xoogan iyo Qaac wata Hawo qastay Diyaarada dhexdeeda, qaacu wuxuu ka dhashey qaraxa, Hawada xoogana waxay Diyaarada kasoo gashay dalool uu qaruxu dalooliyey, Duuliyaha Diyaarada Vladimir Vodopivec oo saxaafada Caalamka la hadlay wuxuu xaqiijiyey iney halmar maqleen qarax jug ah, wuxuu kaloo sheegey in uu ku guuleystay inuu Diyaatada Soo dajiyo iyadoo bad qabta.
Puntlandi
Muqdisho