Kulan uu shir gudoominayay Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid ayaa goor dhaweyd soo gabagaboobey.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu shirka ka akhriyey Mowqifka Dowlada Federaalka oo ah in Aqalka Baarlamaanka lagusoo xulo 4.5 Aqalka sarena Maamul Goboleed ay Puntland iyo Jubbaland helayaan Sadex kursi oo dheeraada.
Cumar Cabdirashiid ka dib waxaa hadalka qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating wuxuuna taageeray go’aanka Dowlada isagoo raacshay in go’aanka la horgayn doono Baarlamaanka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hadalka qaatey wuxuuna sheegay ineysan Puntland aysan aqbalayn Go’aankaas, sidaas ayaana Puntland ugu gacan sayrtay.
Wafdiga Puntland Beri oo khamiisa ayay Bosaso u duulayaan.
Puntlandi.com
Muadisho