Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News : -Madaxda Puntland iyo Jubbaland ma qayb bay ka yihiin beenta iyo maaweelada Kismaayo Xasan Sheekh Ka wado,Maxaase Shacbiga runta looga qarinayaa?.

$
0
0

breaking-nes-150x63-1Sida ay howlwadeenada Puntlandi ku helayaan Warar rasmi ah waxaa Kismaayo ka socda jahawareer Siyaasadeed tasoo ku salaysan iyadoo qaybaha halkaas ku shirsan aysan sinaba daacad uga ahayn hadalada afkooda kasoo baxaya ama Ajandayaasha laga hadlayo.

Dhinaca kalena waxaa jira culays cabsi wata oo laga baqayo dhinaca Beesha Caalamka, taasina waxay dhalisay in Shirkii Kismaayo lagu balansanaa uu daaqada ka baxo, badalkiisana waxaa la furayaa Shir ujeedkiisu yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka lagu maaweeliyo,kaasi oo Nuxurkiisu uu yahay ”Shimbirayahow heesa”.

Madaxweynaha Dalku wuxuu laba isbuuc ka hor dalbadey in shirka dib loo dhigo ilaa 20 janaayo, laakiin Arintaas waxaa hor istaagay Beesha Caalamka, Madaxweyne Xasan wuu iska indhatiray soo jeedintii Beesha Caalamka, wuxuuna maray wado kale oo uu shirka dib ugu dhigayo, wuxuuna Bilaabay inuu meermeeriyo imaatinkiisii Kismaayo, illaa hadana wuxuu wali lugta ku hayaa in shirku uu furmo, Arrintaas Beesha Caalamku way ka dharagsan tahay  wayna arkeen in uu Madaxweynuhu wali ku dhagan yahay codsigiisii ahaa in shirku uu furmo 20-ka bisha.

Marka ay is mari waayaan Siyaasiyiinta Soomaalidu waxay Beesha Caalamka ee Soomaaliya daneysaa ay leeyihiin habdhaqan ay wax ku maareeyaan, Habdhaqankaas oo ah in ay si public ah uga fogadaan waxa socda iyo goobta lagu hayo,afkoodna xirtaan,inta ummadu ka rogmanayso,xaajaduna gaarayso Road Map.

Sidaan la socono Madaxweyne Xasan wuxuu maalmihii u dambeeyey shaqo ka dhigtey Jowhar iyadoo laga sugayay inuu furo Shir Qaran, Xilli ay Kismaayo Joogeen Wasiirkii Arimaha Dibada Itoobiya iyo dhamaan ergooyinkii shirka lagu casuumay ee ka socday beesha caalamku, oo dhamaantood rajo xumo ka muujiyey laba wajiileynta madaxweyne Xasan Sheekh,isla markaan magaalada Kismaayo isaga tagey.

Shirka Maanta loo balamay inuu furmo ma ahan Shirkii ay wada sugayeen Ummadda Soomaaliyeed , Shirkii aan wada Sugaynay ee la sheegay  in lagu go’aaminayaa Habka Doorashada, Kaasi meesha waa ka baxay, ee waxaa hada socda, waa shir madadaalo ah oo socon doona dhowr maalmood, ka dibna waxaa kasoo baxaya in mar kale la isu soo laabto, oo la yiraahdo Shirka xigana Garowe ayaa lagu qabanayaa, oo Talow taasna Ma shacabka Puntland baa Madadaalo iyo hurdo looga dhigayaa?,waayo Madaxweyne Xasan Sheekh mawqifkiisu wuu cad yahay,waana mudo kordhsi 2 sano ah,ama 4.5 nidaamka ah,oo uu hubo in mar kale si sahal uu cododka ku gadan karo,waxa kale oo uu sugayaa inta maamul goboleedka Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ka dhismaayo bisha Febraayo,si uu u helo maamulo goboleedyo badan oo gacan ku rimis ah oo dastuurka iyo shuruucada dalka baal marsan,isla markaana uu ku gorgortamo,inta ka horeysna waxa uu dheelayaa siyaasadaku dhisan  iska daba wareeg oo raaqiis ah,wakhti luminta iyo inuu ummada Mooralka iyo noolshaba ka dilo,kadibna marka la daalo,lagu khasbanaado in mida uu isagu rabo la qaato.

Waxaa lakiin isweydiin leh maxaa ku khasbay Masuuliyiinta Puntland iyo Jubbaland oo haysta maamulada iyo taageerada shacbiga ugu tayada iyo waxtarka mudan dalka in ay iska daba socdaan Hogaan 24 ka sacadood shaqadiisu tahay daneysi iyo lugooyada ummada Somaaliyeed.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles