Furitaankii shirkii wada tashiga aayaha Soomaaliya ayaa goor dhowayd bilowdey isla markaasna saacad kadib soo xirmey iyadoo shirka maanta uu ahaa Khudbado shan shan daqiiqo ah oo ay Jeediyeen Masuuliyiinta waaweyn oo qura.
Khudbadaha oo iska koobnaa waxay ahaayeen uun dardaaran guud mana jiro wax natiijo ah oo maanta shirka kasoo baxay.
Khudbadaha ka dib waxaa loo dareeray hoolka qadada, waxaana ka dib sidii caadada ahayd bilaabanaya kulamo gooni gooni ah.