Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland waxaa ka socda Qabanqaabo xooga oo loogu jiro shirka Aayaha Soomaaliya oo maanta halkaas ka furmi doona.
Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo wali Kismaayo jooga ayaa soo afjaray kulamadii uu gooni goonida ula qaatay Masuuliyiinta Soomaaliya.
Sida aan warka ku hayno Wasiirku wuxuu kaloo maanta la kulmi doonaa Madaxweyne Xasan Sheikh ka hor intaan shirku bilaaban.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa ka wada dadaal uu ugu jiro in shirku uu noqdo mid taariikhda gala oo guulo laga gaaro.
Kala soco Puntlandi oo idiin soo tabin doona wararka rasmiga ah ee Shirka Kismaayo