Image may be NSFW.
Clik here to view.Wararka ugu dambeeyey ee Kismaayo waa in Shirkii Wadatashiga aayaha Soomaaliya uu talaadada ka furmi doono Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Kismaayo imaanayaa Talaadada markaasna waxaa horey ka furmaya shirka.
Sida Puntlandi warka ku hayo, nooca doorashada 2016 ka ay noqoneyso waa la isku waafaqsan yahay laakiin waa la adkeeyey in la ogaado noocaas ilaa laga gaarayo furitaanka shirka.
Dublamaasi la hadley oo aan soo xiganey wuxuu yiri ” Nooca doorashadu noqoneyso waa la isku waafaqsan yahay, oo rajo wanaagsan baa laga qabaa in go’aan lagu wada mideysan yahay uu kasoo baxo shirka Kismaayo LAAKIIN idinma oran karo go’aankaas baa la qaatey.”
Kulamadii maanta lawada qaatey waxay ahaayeen kuwo lagu xoojinayo shirka wada tashiga, Dowlada Itoobiya doorweyn ayay ka ciyaarayaan in uusan Shirka Kismasyo ka leexan wadada saxda ah, Wasiirka Arimaha Dibada Otoobiya Dr.Tedros Adhanom waa sababta uu Kismaayo u joogo.
Puntlandi.com
Kismaayo