Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Akhriso Wararkii ugu Dambeeyay ee magaalada Gaalkacyo.

$
0
0

Maanta oo Sabti ah Qado uu Madaxweyne Gaas ku caasumay Mas’uuliyiinta maalmahaan Martida u ah ee Nabadeynta waday,ayaa iminka waxay ka bilaabatay Hoy’ga Dhalinyarada Sportiga ee Marwo Xaawo Aaden.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirshiid iyo Wafdigiisii labada Gole ee Dowlada Federaalka, Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa iyo Madaxweynaha maamulka Cadaado ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qadada uu Madaxweyne Gaas u sameeyey.

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Guuleed ayaa socdaal Nabadeed kuso maraya Gaalkacyo,taasi oo ay ku muuji ayaan inay dhamaatay maalmihii aan wannaagsanayn ee Gaalkacyo soo martay.

Ciidamada ayaa wada talaabada ay ku guurayaan,waxaana la rararay inta badan ciidamada labada dhinac,waxaa la filayaa in magaalada ay kuso noqdaan dadkii ka Barakacay.

Guud ahaan xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa aad u dagan,waxaana Puntland iyo maamulka Cadaado ee Galmudug ay si wada jir ah u balan qaadeen inuusan qof dambe si macno daro ah ugu dhiman doonin Gaalkacyo.

faahfaahinta goor dhow naga filo

www.Puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles