Xilli waan waan nabadeed socoto ayaa Ciidanka Koonfurta Mudug waxay bilaabeen iney isku dayaan iney kusoo dhawaadaan Gaalkacyo oo ay dhaqdhaqaaq ciidan sameeyaan ,waxaase is hortaagay Ciidanka Puntland.
Arrintaan ayaa muujinaysa daandaansiga qaawan ee maleyshiyada Galmudug kudoonayso inay kusoo xadgudubto dhulka Puntland, waxaana arrintaan horey uga digay dowladda Puntland.
Iskudayga qaawan ee maleyshiyada Galmudug ayaa dhaawac ugeysan kara howlaha nabadeed ee Gaalkacyo ka socda oo ay garwadeenka ka tahay dowladda federalka Soomaaliya.
Xaalada ayaa hadda dagan inkastoo rasaas goos goos ah laga maqlayay xaafada Garsoor.
www.Puntlandi.com
Puntlandi Gaalkacyo