Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News– Heshiis rasmi ah oo laguwada gaaray Gaalkacyo iyo Puntland oo ku guulaysatay in Odoyaasha Magaalada loo daayo nabadaynta

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirshiid, Xildhibaano ka socda Federaalka, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa dadaal dheer u galay nabadeynta Gaalkacyo.

Raysal wasaaraha ayaa labada dhinac ku cadaadiyey in wixii siyaasad iyo eedeyn ah mar kale laga wada hadlo balse hada laga shaqeeye sidii shacabka Magaalada ka maqan loogusoo celin lahaa.

Puntland waxay ku cadeeyeen in ay aqbalayaan go’aanka Raysal wasaaraha isla markaasna wixii wadahadal ah loo daayo Odoyaasha Gaalkacyo oo qura.

Go’aankaas waa la isla qastay waxayna labada dhinac ogolaadeen heshiis rasmi ah oo Odoyaashii awalba howshaan ku jorey ay wadayaan.

Heshiiska waxaa kaloo saldhig u ahaa in dib loo bilaabo loogana wada hadlo eedeyn ay Puntland soo jeedisay waana tan ku khasabtay Siyaasiyiinta Galmudug oo awal doonayay in ay iyagu galaan wada xaajoodka nabadeynta iney aqbalaan heshiiskaan nabadeynta loo dasayay Reer Gaalkacyo oo qura.

Kulankii saaka Xaafada Baraxley ku dhexmaray Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa laguwada gaaray afar qodob oo nabadeyn ah markaas kadib ayaa Galabta waxaa kulmay Madaxeyne Gaas iyo Raysalwasaaraha oo ay weheliyaan Madaxweyne Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Xildhiibanada Federaalka, Waxaana lawada qaayey nabad.

Goor dhow ayaa warmurtiyeed soo baxayaa.
Puntlandi Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles