Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ku adkeystay in dhankooda ay diyaar u yihiin Xalinta dhibkii Gaalkacyo ka dhacay, Xalka rasmiga ahna ay wada gaari karaan Odoyaasha Magaalada oo qura.
Sida ay Puntlandi xogta ku heleen Masuuliyiinta Puntland waxay si cad u diideen iney la fariistaan Siyaasiyiinta maamul ka Galmudug ee Cadaado oo ay iyaga ku eedeeyeen Iney abaabuleen Dagaalka.
Arintaas waxaa ka xumaadey Cabdikariin Xuseen Guuleed oo doonsyay in sidii laba Maamul loovwada hadlo laakiin wuxuu candhuufta dib u liqay markay Puntland miiska soo saareen cadeymo muujinaya in hubkii Dowlada Federaalka lagu galay Dagaalka, Arintaas ku saabsan hubka Dowlada dib ayaa looga wada hadlayaa oo waxaa laga hormariyey in lagu dadaalo marka hore in Shacabka Xaafada Baraxley ee ka qaxay Xaafada kuwasoo banaanka Magaalada ku dhibaataysan in magaalada lagusoo celiyo, Arintaas oo qura iyo babadeynta ayaana maanta lagawada hadley oo xal laga gaaray.
Puntlandi.com
Gaalkacyo