Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo oo qax ka bilowday

Kadib markii ay saraakiisha Ciidanka Puntland ay sheegeen ineysan sinaba aqbalayn qodobadii ay Odayaaal dhaqameed yadu kasoo saareen wadahadaladii u socday, ayaa Waxaa Xaafada Baraxley soo food saaray cabsi dheeri ah oo keentey iney Dad badan ka qaxaan Guryohooda.

Wararka Puntlandi helayaan ayaa sheegaya in Shacabku ay ka cabsi qabaan in Meleeshiyaadka hubeysan ee Xaafada ay dhexdooda kula dagaalamaan Ciidanka Puntland iyadoo horey Ciidanku ka digeen in Maleeshiyaadku ay gabaad ka dhigtaan Guryaha dadka Rayidka ah degan yihiin.

Waxay kaloo horey u shaaciyeen Ciidinku Digniin ku socotay shacabka oo looga digayay awaaqi xumada ka imaan karta Guryaha ay Maleeshiyaadku gabaadka ka dhiganayaan ama ay xabadaha kasoo dhex ridayaan.

Barakacaan cusub ee soo foodsaarey Shacabka xaafada Baraxley ayaa noqonaya mid dhib weyn usoo jiidey Dadka maatada ah.

Magaalada qaybeheeda kale kama jiraan Walwalka soo food saarey Xaafada Baraxlay.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles