Raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo maanta oo talaada ah shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Sweden ay adkaynayso sharciga qaxootuga.
Sharciga la adkeynayo waxaa ka mid ah oo Raysal wasaaruhu carabaabay Qoysaska la isukeenayo.
Qoxootiga hela deganaanshaha Sweden waxay hada kadib la kulmi doonaan isbadal ku saabsan Dalbadashada Qoysaskooda ka maqan, sharcigaan sharuudo adag ayaa lagu xiri doonaa.
Adkeynta sharciga Qaxootiga ee Sweden ayaa looga gol leeyahay in æa xakameeyo qoxootiga caqli dhaafka ah ee kusoo qulqulaya Sweden iyagoo usoo doortay in Sweden ay ka sharci dabacsan tahay Wadamada kale ee Yurub.
Puntkandi.com
Stockholm