Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Waatan jawaabtii Ruushku ka bixiyey Diyaaradiisii Turkigu soo ridey

$
0
0

213956671-20150509-104026-4
Kadib markii ay Turkigu soo rideen Diyaarad ay Ruushku leeyihiin ayaa wadamada Reer Galbeedku waxay sheegeen in Turkigu uu xaq u leeyahay iney is difaacaan.

Wasaarada Gaashaan dhiga ee Ruushku waxay sheegeen ineysan qorshaha ugu jirin iney Dagaal la galaan Tirkiga laakiin Diyaaradoodii lasoo ridey waxay ahayd daandaansi.

Waxaa la filayay in Ruushku ay jawaab ka dhan ah Turkiga ay ka bixin doonaan Diyaaradoodii lasoo ridey laakiin taas badalkeeda Ruushku waxay ciyaareen Kaar ka xanaajiyey Turkiga iyo Xulufadiisa Reer Galbeedka.

Tasoo ah Ruushku waxay maanta soo bandhigeen Qorshe cusub oo uu ku caawinayo Xukuumada Baashir Al-asad Madaxweynaha Suuriya, Ruushku waxay Garoonka Caalamiga ee Internationale Bashar Al-Assad Airport oo u dhow magaalada Latakia ay maanta bilaabeen iney kusoo daabuleeyaan Gantaalada ugu casrisan iyo Qalabka loo yaqaan S-400 oo ah Qalabka soo rida diyaaradaha, Qalabkaan waxay Ruusku ku rakibayaa Saldhigooda cusub ee ay hada kasameysteen Suuriya.

Qalabkaan wuxuu awoodaa in inuu soo rido Diyaaradaha maraya Hawada Tirkiga iyo Suuriya oo dhan.

Soda uu sheegay Taliyaha ugu sateeya Howlgalka Ruushku ka wado Suuriya Janaraal Sergei Shoigu Ruushku waxay hada bilaabayaan howlgal xoogan oo ka dhan ah dhamaan kooxaha kasoo hor jeeda Dowlada Suuriya.

Ruushku wuxuu kaloo sheegay inuu ka baxay dhamaan heshiisyadii uu la galay wadamada ka dagaalama Gudaha Suuriya.

Dhinaca badana wuxuu ruushku usoo diray Gujisyadiisa iyo Maraakiibta Hangarka.

Wuxuuna wacad ku maray in Ruushku uu Argagixiso u aqoonsan yahay dhamaan kooxaha kasoo hor jeeda Madaxwrynaha Siuriya, Kooxahaas qaarkood waxaa taageera wadamada Reer Galbeedka iyo Turkiga.

Puntlandi.com
Yurub


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles