Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah—Faahfaahin Dagaal ka socda banaanka Koonfureed ee Gaalkacyo

$
0
0

Ciidamada Puntland oo howlgal xoogan bilaabay giordhawayd ayaa banaanka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo waxay ku baacsanayaan Maleeshiyaad saaka ka horyimid Howlgal ay Dowlada hoose ku dhisaysay Wado laami ah oo gasha Xasfada Baraxlay.

Taliyahaha Ciidanka Birmadka Gaalkacyo Gaashaanle sare Cabdirshiid Xasan Xaashi oo Saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay oo cadeeyay in Dagaalku uu ka socdi meel 3 km koonfurta uga aadan Gaalkacyo halkasoi ay maleeshiyaadka saaka weerarary dadka Rayidka ah ay xarun ku lahaayeen.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidanku ay daba joogaan Maleeshiyada qoriga culus kusoo riday Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Ciidanka Daraawiishta oo Saldhig ku leh duleedka Gaalkacyo ayaa iyana iminka ku baxay goobta howlgalku ka socdo.

Shirka jaraa’id ee Taliye Cabdirshiid qabtay goor dhow ayaan idiinsoo gudbinaynaa.

Wixii soo kordho kala soco Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles