Taliyaha Booliska Gaalkacyo oo hada hogaaminaya howlgal hubeysan oo saaka bilowday ayaa amar adag wuxuu ku bixiyay in gacanta lagusoo dhigo Maleeshiyaadka kasoo horjeeda dhismaha laami isku xiri doona Gaalkacyo iyo Xaafada Baraxley, Maleeshiyaadkaas oo saaka Xabado kusoo riday dad rayid ah tasoo dhimasho sababtay.
Maleeshiyaadka Xaafada Baraxlay ayaa saaka qori culus waxay kusoo rideen waqooyiga Gaalkayco, waxaana ku dhintay 4 qof oo rayid ah, Dadkale oo 8 gaaraya ayaa iyana ku geeriyoodey rasaas ay maleeshiyaadka Xaafada Baraxlay kusoo fureen Dad Rayid ah oo wadada Maraya.
Taliyaha Booliska ciidanka birmadka gobolka Mudug oo ku sugan goobta howlgalku ka socdo ayaa amar adag dul dhigay Ciidanka wuxuuna amray in lasoo qabqabto Maleeshiyaadka falka geystay.
Dhinaca kalena Odoyaasha Xaafada Baraxlay ayaa codsadey in Ay Boolisku hakiyaan howlgalka.
Warar kale oo Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Taliyahaha Booliska uu dalbadey in Dowladu ay u fasaxdo inuu howlgalka ka fuliyo deegaanada ka baxsan Xadka Puntland si loosoo qabqabto Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka lagu qaaday dadka Rayidka ah.
Hadii Dowladdu ay bixiso amarkaas wuxuu taliyuhu helayaa In ay gacan siiyaan Ciidanka Daraawiishtu ayna Wasaarada Amnigu iyana ka qayb qaadato howlgalka.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com