Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin Weerarkii Xalay lagu qaadey Paris iyo dhimashada oo 120 la xaqiijiyey

$
0
0

Paris pi
Xalay abaarihii saacadu markay ahayd 21:20 Paris time ayaa weerarkii u horeeyay lasoo sheegey , waxaa ka dib is xigey dhor weerar oo lagu qaadey meelo kala duwan kuwasoo ay u badnaayeen Qaraxyo ismiidaamin ah, waxaa lagusoo waramayaa in dhimashadu hada gaarayso 120 Qof, Niman hubaysan ayaa qafaashay Dad Show music ah daawanaya meel Tiyaatar ah. isla xalay waxaa Faransiiska lagusoo ragay Xaalad deg deg ah oo waxaa la xiray gabi ahaan Xuduuda Dalka.

Meel lagu qaxweeyo oo u dhow Garoonka weyn ee kubada cagta Paris ayaa Qarax ka dhacay abaarihii 22:00 xiligaasoo Garoonka ay ka socotay Ciyaar dhex maraysay Kooxaha kibada cagta Faransiiska iyo Jarmalka waxaana qaraxa laga maqlay Garoonka Dhexdiisa, Xiligaas waxaa Garoonka ku jirey Madaxweyne

Meelihii weeraradu ka dhaceen

PETIT CAMBOGDGE RESTAURONT
Makhaayadaan lagu qaxweeyo ayaa ahayd meeshii lala beegsadey weerarkii ugu horeeyey, nin hubaysan oo gaari saaran ayaa rasaas ooda ugu qaadey Makhaayada, waxaa lagusoo waramayaa in 14 qof ay ku dhinteen Makhaayada,

STADE DE FRANCE (GAROONKA KUBADA CAGTA PARIS)

Garoonka waxaa xiligaas ka socdey Ciyaar dhexmaraysay Faransiiska iyo Jarmalka, Ciyaartuna xiligaas ayay dhamaatay laakiin markii laga warheley weerar lagu qaadey makhaayad u dhow Garoonka ayaa Bileysku xireen Garoonka, cidna kama bixi karto cidna masoo gali karto ay ka dhigeen, Waxaa Ciyaarta daawanayay Madaxweynaha Faransiiska François Hollande iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, labadaba si deg deg ah ayaa Garoonka looga saarey.

Sida uu sheegey TV Faransiiska ee LCI Albaabada Garoonka meel aan ka fogayn ayaa qarax lala eegtay, waxaana halkaas ku dhintey 11 Qof, laba qof ayaana isku qarxiyey halkaas.

LE BATACLAN (tIYAATAR UU KA SOCDEY SHOW MUSIC AH OO KOOX MARAYKAN AH KA TUMAYSAY)

Hoolka ay Riwaayadu ka socotay ayaa waxaa galay oo qafaashey koox hubeysan , Dad badan ayaa xiligaas ku jirey, waxaa lagusoo waramayaa in Qof isku dhex qarxiyey goobtaan oo ay dhimashadu gaarayso 100 qof.

RUE DE CHARONE RUE

Koox hubeysan ayaa goobtaan rasaas ooda ugu qaadey waxaana lagusoo waramayaa in restaurant La Belle ay ku dhinteen toboneeye qof.

Boulevard Voltarie, Boulevard Beaumarchais iyo Avenue de la République iyana waa la weeraray, oo barxada Place de la Republique waxaa ku dhintey 4 qof, oo rasaas lagu furay.

Weerarka xalay lagu qaadey Caasimada Faransiiska ee Paris ayaa ahaa mid qorsheysan oo lagu qaadey 7 goobood oo kala duwan , CNN ayaa goor dhawayd sheegtey iney illo ka agdhow Booliska ay kasoo xigeteen in lagayaabo in dhamashadu ay gaarto 160 qof.
Paris pi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles