Madaxweynaha Dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegey in Kooxaha ka dagaalama Suuriya ee Islamic State ay ka dambeeyeen weerarkii Argagixisada ee dhiiga badan ku daatay ee Xalay lagu qaadey Caasimada Faransiiska ee Paris.
Francois Hollande wuxuu sheegay in weerarka ay soo diyaariyeen Shaqsiyaad ka baxsan Faransiiska ayna fuliyeen shaqsiyaad joogay gudaha Faransiiska.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo raaciyay in weerarku uu ahaa Dagaal cad ayna Faransiisku aarsan doonaan.
Maalinta Isniinta ayuu Madaxweyne Hollande wuxuu isugu yeerayaa Baarlamaanka wuxuuna hordhigayaa jawaabta ay Faransiisku ka bixin doonaan weerarkaan.
Dhinaca kale waxaa lagu baaqay sadex maalin oo bsroordiiq ah, inta badan Wadamada Yurub waxaa hoos loo dhigay Calamada si ay shacabka Faransiiska ulla qaysadaan dhibka gaaray.
Weerarka inta badan kooxdii qaadey way is qarxiyeen oo wuxuu ah weerar naftood haligayaal ay fuliyeen.
Saxaafadaha Yurubrub ayaa saaka qoray in Yurub ay heshay September 11 koodii.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com
Puntlandi.cpm
Yurub