Image may be NSFW.
Clik here to view.Laba qarax oo ka mid ah qaraxyadii caawa ka dhacay Paris ayaa Bileysku cadeeyeen in laba ka mid ah ay fuliyeen laba Qof oo is qarxiyey.
Xiliga qaraxu dhacay ayaa isla markiiba waxaa bartamaha Baris ka dhacay weeray huneysan oo uu fuliyey nin hubeysan.
Waxaa iyana wali la heystaa Tiyaatar ay Riwaayad ka socotay waxaana gudaha lagu heystaa Dad ku dhow boqol qof, Bileyska ayaana ku wareegsan.
Dhimashadu ilaa hada waa 40 Qof, dhaawucuna waa 60.
Madaxweyne Obama iyo Raysal wasaaraha Ingiriiska David Comaroon ayaa weerarka dhaleeceeyey.
Guud ahaan Faransiiska waxaa lagusoo rogay Xaalad Deg Deg ah waxaana la xiray Xiduuda tasoo macneheedu yahay cidna kama bixi karto cidna masoo gali karta Dalka.
Shacabka Paris waxay Boolisku ku wargalinayaan ama ugu baaqeen ineysan soo bixon oo qof walbaa mershuu joogo ku jiro.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com