Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo Wafdiga la socda ayaa maanta la kulmey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland, kulankaasoo ahaa mid ay uga wada hadlayeen Xaaladaha Soomaaliya iyo xiriirka labada dhinac, Masuuliyiinta Jubaland waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, RW hore Dr. Cumar Cabdirashiid, Jen. Darwiish iyo Jen. Raadaar.
Beri oo Axadana wuxuu Madaxweyne Faroole la kulmi doonaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo ku xigeenkiisa Cabdullaahi Ismaaciil Farataag, Masuuliyiinta Jubaland iyo Puntland Waxay iska Wareysan doonaan Mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii loosii wadi lahaa Nabadeynta Shacabka Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta Puntland waxay intey Nairobi joogeen ay kulamo muhiim ah la qaateen Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhiya Nairobi kulamadaasoo guul iyo is afgarad kusoo dhamaadey, Isniinta subixii ayuu Madaxweyne Faroole oo ay weheliyaan Wasiirka caafimaadka Cali Cabdullahi Warsame iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ay u safrayaan Adis Abeba.
Puntlandi.com
Nairobi