Warar been abuur ah ayaa maanta saxaafadaha Koonfurta Soomaaliya ay ka qoreen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Warkaas ayaa lagu sheegey in Masuuliyiin uu ka mid yahay Afhayeenka Dowlada Puntland ay iska dhiibeen Dalka Sweden, Afhayeenka Dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo booqasho gaara ku jooga Sweden oo la hadley Puntlandi ayaa been abuur iyo aflagaado ku tilmaamey warkaas, Libaax joore oo ka mid ah Masuuliyiinta laga been abuuray wuxuu noo sheegey in Dadka la magacaabay uu isaga oo Qura uu ka jooga Sweden, halka inta kale ay joogaan hada Puntland, balse magacyadooda la iska adeegsadey.
“Waxaan Sweden u joogo Fasax iyo Booqasho khaasa oo aniga iigaara, Sweden uma Imaan inaan iska dhiibo, mana ahi nin Qaxooti ah, Waxaan Dalkii ku laabanayaa 20-09-2013 oo fasaxaygu ku egyahay, Wararka dacaayada ah waxaa faafinaya Dad aan xilkas ahayn” ayuu yiri Libaax Joore.
Puntlandi.com
post@puntlandi.com