Dib u Dhisid Dowlad wax qaban karta iyo Hay’ado waxtar leh ee Soomaaliyeed
Addis Ababa, 26 – 28 August 2013
(Rebuilding a Viable State and Effective Institutions in Somalia)
Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (UN Economic Commission for Africa – UNECA) oo fadhigiisu uu yahay Magaalada Addis Ababa ee Dalkaasi Itoobiya, Dowladda Soomaaliyeed iyo Machadka “Horn Economic and Social Policy Institute – HESPI” oo xaruntiisu ay tahay Addis Ababa ayaa si wadajir ah u qaban qaabiyey shirka looga doodayey mowduuca kor ku xusan. Shirka oo saddex maalmood socday ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye oo mug weyn oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan kontomeeyo (over 50 participants) oo ka kala yimid dunida dacalladeeda kala duwan, ayna ka dhex muuqdeen Ra’iisul Wasaareyaal Hore ee Soomaaliyeed sida Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Prof. Cabdiweli M. Cali Gaas oo labaduba shirka ka geystay aragtiyo qiimo badan iyo talooyin salka ku haya aqoontooda iyo waayo aragnimadooda la xiriirta hannaanka dowladnimo iyo sida loo soo celin karo xukun ku qotoma sharci iyo nidaam federaal ah ee Soomaaliyeed.
Furitaankii shirka ayaa waxa ka qaybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Mudane Axmed Cabdisalaam. Waxa kaloo shirka khudbad ka jeediyey Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Kay. Waxa iyaduna xusid mudan ka qaybgalka Marwo Frannie Leauthier (Tanzanian) oo mar hore ahayd Guddoomiye-Xigeenka Bankiga Adduunka, waqtiga la joogana Madax ka ah Hay’ad Afrikaan oo loo yaqaan “AFRICAN CAPACITY BUILDING FOUNDATION – ACBF”. Intii uu shirku socday ayey labada Ra’iisul Wasaare waxay kala hoggaamiyeen ajendayaal muhiim ah kana mid ahaa qodobbada looga hadlay shirka kuwaasoo aad u soo jiitay ka qaybgalayaashii shirka.
Qodobbada shirka lagu lafaguray baa wax aka mid ahaa: Sidii loogu gudbi lahaa dimoqraadiyad sharci ah (Democratic Legitimacy), Dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, xukun sharci iyo ilaalinta xuquuqda Soomaalida (Rule of law and protecting Somalis and securing rights), sidii loo dabooli lahaa baahida asaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan haweeka iyo dhallinyarada, Maamulka dhaqaalaha iyo dhisidda kartida hay’adaha (Economic Governance and Institutional capacity Building), Xiriirka Soomaalida iyo Beesha Caalamka, Dowrka Hoggaaminta ee Dhisidda Dowladnimo (The role of leadership in state-building).
Shirka gabogabadiisii ayaa waxa ka soo baxay:
Xagga Dastuurka: In degdeg loo dhiso Guddiga Adeegga Garsoorka (Judicial Service Commission) si loo hormariyo xukunka sharciga (rule of law), loona dhiso Maxkamadda Dastuurka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed. Dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka, Diyaarinta Shuruucda Nidaamka Federaalka iyo Hannaanka Xisbiyada Badan, Dhismaha Guddiga Runta iyo Dib U Heshiisiinta (Truth and Reconciliation Commission).
Xagga Baahida Bulshada, gaar ahaan Haweenka iyo Dhallinyarada: In ay dowladdu hirgeliso tababarro xirfadeed (vocational trainings) ee heerar kala duwan, shaqana loo abuuro dhallinyarada da’doodu ay u dhaxayso 14 ilaa 29 sannadood ee ku kala nool miyiga iyo magaalooyinka. In la abuuro Guddi Qaran ee u xilsaaran waxbaridda iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada. In haweenka la siiyo fursado iyo mudnaan ay uga qayb qaataan dhammaan hawlaha lagu hormarinayo dalka sida siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha si simanna ay wax ula wadaagaan ragga. In haweenka loo abuuro xarumo lagu dhiso awooddooda, codkoodana lagu maqlo iyagoo ka qayb qaadanaya arrimaha caddaaladda, amniga, la dagaallanka argagixisada, nabadda iyo dhisidda dowladeed.
Xagga Dhaqaalaha: Shirku wuxu isku raacay in la dhiso “Hay’adda Hufnaanta Maaliyadda (Financial Integrity Authority)” iyo Guddiga Ladagaallanka Muqmaasuqa (Anti-Corruption Committee”.
Shirka oo ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan ayaa dokumentigii ka soo baxay waxa loo gudbiyey dowladda Soomaaliyeed iyadoo loo sii marsiiyey Danjiraha Soomaaliyeed ee Addis Ababa Mudane Axmed Cabdisalaam. Daawo sawirrada Shirka.