Warar dheeeraada Ayaan ka helney Booqashadii Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid uu ku tagay Kismaayo wararkasoo sheegaya in Gabi ahaan Masuuliyiinta ugu sareeya Dowlada Federaalku ay aqbaleen iney kasoo qayb galaan Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka caga jiidayay inuu kasoo qaybgalo Caleema saarka ayaa hada ogolaadey inuu yimaado Kismaayo oo ka qayb galo Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo dhowaan loo doorta hogaanka Jubbaland afarta soo soo socota.
Raysal Wasaare Cumar Cabdirshiid, Madaxweyne Xasan Sheikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Wasiirada Arimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya, Wafdi ka socda IGAD, Beesha Caalamka ayaa gabi ahaan kasoo qaybgali doona Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu wado inuu dhaco todobaadka soo socda bartamihiisa.
Sida aan Xogta ku helney waxaa iyana la casumey oo kasoo qaybgalaya Maamul hoosaadyada Suna Waljameeca iyo Galmudug.
Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo noqon doonta mid aad u balaaran, waxaa iyana feer socda in Dowlada Jubbaland ay buuxisey sharuudihii ka koobnaa dhowrka Qodob ee heshiiskii bishii Ogoosto 2013 ay dowlada Federaalka iyo Jubbland kuwada saxiixdeen Adis ababa, kasoo dhameystirka qodobadaas ay meesha ka saarayaan kumeelgaarnimadii sidaasna ay Jubbland ku noqoneyso maamul buuxa.
Heshiiskii Adis bababa
28.Ogoosto 2013 kii Heshiiskii Adis ababa ku dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland oo uu Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus garwadeenka ka ahaa isagoo matalaya Ururka IGAD Waxay labada dhinac ku kala saxiixdeen heshiis ka koobnaa 9 qodob, waxaa saxiixa kamid ahaa in Urur Goboleedka IGAD iyo Dowlada Itoobiya ay balan qaadayaan hirgalinta heshiiskaas.
Qodobadaas lagu heshiiyey ayaa qeexayay in Maamulkan Axmed Madoobe uu wakhtigiisu noqoto 2 sano, labadaas sanana uu ahaado Maamulka kumeel gaarka ah, looguna yeero Maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba, labadaas sano iyo dhameystirka Qodobadaas ka dib wuxuu maamulkan isu bedali doonaa Maamul Gobaleed Federaal ah oo rasmi ah, waa sida uu heshiiskaas dhigayay.
Labadii sano ee lasoo dhaafey oo wakhtiyo iyo marxalado kala duwan uu soo maray maamulkii kumeelgaarka ahaa ee Jubba, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo TEAM kiisu waxay ku guuleysteen iney fuliyaan dhamaan sharuudihii lagu xirey, iyadoo IGAD ay mar walba dusha kala socotay taaba galinta heshiiiskaas.
Inkastoo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin hadana Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe waxay qayb ka tahay dhameystirka heshiiskii Adis ababa iyo in Muulmulkii Jubba uu u xuubsiibtey Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya.
Masuuliyiinta kasoo qaybgalaya Caleema saarka ee u badan Beesha Caalamka dhamaantood waxay goob joog ahaayeen heshiiskii bishhii ogoosto 2013 ee Adis ababa.
Puntlandi.com
Kismaayo