Sida ay Puntlandi Warka ku heleen Raysal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake ayaa kulankii uu maanta la yeeshey Madaxweynaha Dowlada Jubaland wuxuu ugu horeyn ugu hambal yeeyey Madaxweyne Axmed Madoobeyin mar labaad loo doortey Madaxweynaha Jubbaland.
Sida ay howlwadeenada Puntlandi xogta ku heleen Raysal wasaaraha ayaa wuxuu yiri “Sharaf bay ii tahay inaan si fool ka fool ah aan kuugu hambalyeeyo in mar labaad aad ku guuleysato hogaaminta Jubbaland”
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankiisa wuxuu ka aqbalay Raysal wasaaraha Hambalyada iyadoo si wanaagsan la isugu salaamey gacmaha.
Puntlandi.com
Kismaayo