Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Qarax Bambo gacmeed oo ka dhacay Nawaaxiga Suuq inji ee Magaalada Garowe

Image may be NSFW.
Clik here to view.
breaking News from Puntland
Qarax loo badinayo inuusan ulakac ahayn oo ka dhashey Bambaano gacmeed ayaa caawa wuxuu ka dhacay Magaalada Garowe.

Saddex Qof ayaa ku dhaawacmey Qaraxa oo ahaa mid aan weyneyn.

Sida uu Sargaal ka tirsan Ciidanka Ammaanka Garowe Puntlandi u sheegey Gaari ay haweeney wadatay oo yaalay meel Parkin ah ayaa waxaa kasoo dhacdey Bambaano kadibna Bambaanadii ayaa qaraxdey, Haweeneyda iyo Gaarigii waa la hayaa oo Ciidanka ayaa baaritaan ku wada.

Warar kale oo Puntlandi helayo waxay sheegayaan oo loo badinayaa in Qaruxu uu ahaa mid aan ulakac ahayn ee uu ahaa mid farsamo xumo u dhacay.

Saddexda Qof ee dhawacmey waxay ahaayeen Dhalinyaro wadada marayay.

Ciidanku waxay sheegeen in Falkaan ay u baarayaan Mid argagixiso aysana ka hordhaceyn baaritaanka.

Falkaan waxaa uu ka ag dhacay meherad laga cunteeyo oo lagu magacaabo Xalwo Kismaayo oo ku dhinac taala wadada laamiga ah ee Suuqa Inji.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles