Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dabaylaha Xagaaga oo inta u dhaxaysa Xamar iyo Afgooye khasaare maal u geystey

$
0
0

Sanadkaan ayaa Dabeylaha Xagaagu waxay noqdeen kuwo sidii duufaanta u socda duleedka magaalada Xamar, Bilowgii hore ee maanta waxaa nawaaxiga Lafoole laga dareemayay Dabeylo xawaare xoogan ku socda kuwasoo Dharka ka dafayay Dadka, ka dibna waxay isu badaleen Duufaan xoogan oo guryaha ka qaaday jiingadii.

Xasan Dhuxulow oo ka mid ah Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Puntlandi u sheegey in Dabeylaha Xagaaga ay Sanadkaan Geysteen Khasaare maal kadib markii ay waxyeelo u geysteen Guryo badan.

Guryaha khasaaruha ugu badan Gaarey waxaa ku jirey Dad dan yar ah nasiib wanaag ma jiro khasaare soo gaaray shacabka.

Maalmihii lasoo dhaafey Waxaa Xamar ka da’ay Roob aan saas u xooganeyn.

Xiligaan lagu jira ayaa badanaa Soomaaliya waxaa siyaabo kala duwan ay u helaan Dabeysha Xagaaga,Waxaana dabeylaha xagaaga looga bartey Dabeyl aan saas u xooganeyn.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles