Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ogaysiis ku socda dhalinyarada reer Minneapolis, Fursad shaqo iyo tababar Emergency Medical Technicians oo la idiin hayo

$
0
0

emergency-medical-training3Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayaa ogaysiinaya dadwaynaha Somaaliyeed ee ku nool degmada iyo guud ahaanba Magaalada Minneapolis tababar iyo fursado shaqooyin ee la xiriira gargaarka caafimaadka deg-dega ee (EMT). EMT ayaa loo soo gaabiyaa Emergency Medical Technicians, islamarkaana ka shaqeeya gawaarida gargaarka ambulances, xarumaha dab-demiska iyo waliba diyaaradaha.

Mudane Abdi Warsame ayaa ka codsaday tababar u gaar ah Somaalida iyo waliba shaqooyin Isbitaalka weyn lagu magacaabo Allina ee ku yaala degmada 6’aad, si fursado loogu abuuro dhalinyarada Somaaliyeed ee Degmada. “Waa muhiim in la helo dad afka Somaaliga ku hadla ee ka shaqeeya gargaarka deg-dega, waayo waxay u fududaynaysaa in waayeelkeena la badbaadiyo,” ayuu yiri Abdi Warsame. “Waa tababar lacag la’aan ah, waxayna Isbitaalka balan qaadeen in ilaa iyo 20 dhalinyaro Somaali in ay shaqooyinkaan siin doonaan,” ayuu ku daray Abdi Warsame.

Gudoomiyaha Hay’ada Somali Education and Social Advocacy Mudane Abdirizak Bihi oo barnaamijkaan marti galinaaya ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinta Somaaliyeed inay ka faaidaystaan fursadaan qaaliga ah.

Maamulka Degmada 6’aad, Hay’ada Somali Education and Social Advocacy Center iyo Isbitaalka Allina Health madaxdeedi ayaa kusoo bandhigi doono shaqooyinkaan iyo tababarka la xiriira ee hoos ka eeg meesha iyo wakhtigaba.

Brian Coyle – 420 15th ave S,
Minneapolis, MN 55454
Taarikhda: 08/28/2015
Saacada: 2:00 – 4:00pm

Ka faa’iideysta fursadaas yaaysan idin dhaafin


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles