DABAALDEGII XAFLADDA AASAASKII PUNTLAND EE JAALIYADDA PUNTLAND EE FINLAND
Xafladdaan oo loogu debaaldegayey dhalashadii 17:aad ee kasoo wareegatay markii la asaasay dawladda Puntland ayaa lagu qabatay caasimada Finland ee Helsinki 1.8.2015.
Debaaldegaas iyo damaashaadkaas waxaa ka soo qaybgalay dadweynaha iyo madaxda reer Puntland iyo Jubbaland. Waxaa iyana kasoo qaybgalay xafladda xubno ka socda ururka Soomaalida ee wadankan Finland iyo Dawladda ismaamulka somaalida Ethiopia.
Waxaa xafalada wacdi ku furay Sh. Aaden Sh. C.Raxmaan Afguriye. Wacdiga ka dib waxaa goobta ka hadalay gudomiyha qabanqaabada shirka mudane Geenyo Cali Sayid. Guddoomiyihu wuxuu aad ugu mahad celiyey una ammaanay guddigii kala shaqaynayey qabanqaabada shirka, wuxuuna ku ammaanay hawlkarnimo iyo inay ka dhabeeyeen masuuliyaddii loo dhiibay, maantana aysan suuto gasheen xafladani la-aantood. Wuxuu kaloo mahad balaaran usoo jeediyey kasoo qaybgalayaasha xafladda, maadaama ay waqtigoodi qaaliga ahaa usoo hureen inay la debaaldegaan shacabka reer puntland.
Waxaa isna ka hadlay goobta Guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Finland Eng. Maxamed Siciid Dirir. Guddoomiyuhu wuxuu ka sheekeeyey jaaliyadda iyo wax qabadkeeda iyo sida ay ugu taagentahay wax u qabadka umadda reer Puntland gude iyo dibadba. Wuxuu sheegay in waxyaalaha ay jaaliyaddu u dhisan tahay ay ka mid tahay qabashada munaasabadan caawa loo fadhiyo oo ku began dhalashadii Puntland. Guddoomiyuhu wuxuu dadka ku booriyey inay garab istaagaan jaaliyadooda waxna la qabtaan meelkasta oo ay ka joogaan Finland.
Guddoomiyaha jaaliyadda Jubbaland Cabdiwali Qasin Gaabow oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda iyo waxa ay u taagantahay puntland iyo sida ay qiimo weyn ugu fadhido umadda Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaanna reer puntland iyo jubbaland. Guddoomiyaha jubbaland oo hadaladiisu qiiro iyo wacyi dhab ah ka turjumayeen ayaa sheegay in haddii aysan reer puntland dhisan lahany maamulka puntland aysan manta jirilahayn wax dawlad federal ah la yiraahdo. Wuxuu sheegay sida reer jubbaland shacab iyo madaxba ay ula safyihiin reer puntland ayna yihiin laba jaaliyadood oo walaalo ah iskuna dan ah.
Waxaa isna goobta ka hadlay Dr. Caarshe Siciid Aw-Muuse oo madax ka ah ururka ay ku midaysan yihiin Soomaalida Finland kaasoo laga aqoonsan yahay wadankan Finland. Carshe oo isaga laftiisu ah reer puntland ayaa u rajeeyey shacabka jaaliyadda puntland ee wadanka Finland sanad guuro wanaagsan iyo inay ilaaliyaan wada jirka iyo in mar walba la qabto xafladaha lagu weynaynayo puntland.
Xafladda ayaa isna waxaa ka hadlay Oday Cabdicasiis Barre Dhuxul oo ka mid ah odayaasha jaaliyadda reer Puntland, kana mid ah xubnaha golaha dhexe ee jaaliyadda Puntland. Oday C.casiis wuxuu si wanaagsan uga taariikheeyey dhismihii iyo aasaaskii dawladda puntland oo sheegay inuu goob joog ka ahaa waqtigii la aasaasay. Ujeedaada ugu muhiimsan ee loo aasaasay puntland ayuu ku sheegay inay ahayd in si loo raadiyo qarankii soomaaliyeed ee dumay marka hore la dhisto maamul, kadibna la raadsho soomaali weyn, arrinkaasi oo uu sheegay in lagu guulaystey.
Odayaasha Puntland waxaa isna magacooda ku hadlay C.Risaaq Maxamed Ciise oo isna dhankiisa ka hadlay waxa ay puntland u taagantahay iyo waxa laga faa-iiday mudadii ay dhisnayd. C.Risaaq waxa uu sheegay inuu yahay oday Puntland wax badan kala socday aasaaskeedii iyo ulajeedkii ka danbeeyey in la dhiso. Wuxuu ku booriyey shacabka inay adkaystaan maamulkooda nabadana ilaashadaan oo aysan marna iska dumin.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee jaaliyadda Jubbaland ayaa hadalkii qaatay, kana hadlay arrimo la xariira asaaskii puntland iyo sida loogu liibaanay. Guddoomihu wuxuu ka hadlay waxa uu u taaganyahay calanka puntland oo uu sheegay inaan dadka badankiisa aqoon waxa laga wado iyo macnaha ka danbeeya oo uu ku fasiray in buluugga iyo xiddigtu u taagan yihiin soomaalinimo iyo in puntland aysan marna ka go-ay soomaali inteeda kale. Caddaanka waxaa uu u taaganyahay nabad iyo cagaarka oo u taagan beeraha iyo barwaaqada kale ee berriga sida xoolaha.
Waxaa isna isagoo ku hadlaya magaca dawlad degaanka soomaalida ee Itoobiya goobta hadalo qiima leh kasoo jeediyey Maxamuud Murtiile. Maxamuud ayaa hambalyada la wadaagay shacabka reer puntland ee goobta isugu yimid, wuxuuna guul u rajeeyey dadka iyo dalka reer puntland.
Dhanka aqoonyahanada ayaa waxaa magacooda ku hadlay aqoonyahan Eng. Axmed Deeq oo kasoo jeeda degaanada jubbaland iyo Eng. Asad Nuux oo kasoo jeeda puntland iyo Eng. C.Risaaq Cali Cusmaan oo isna ah aqoonyahan reer Puntland. Saddexda injineerba waxay sheegeen inay la debaaldegayaan farxadana la wadaagayaan shacabka reer puntland oo caawa halkaan ku damaashaadaya munaasabada 1:da august awgeed. Aqoonyahanadu waxay sheegeen in waqti ku habboon oo aad loogu baahnaa la dhisay maamulka puntland ayna ahayd fikir sax ah oo mira dhal noqday.
Dhanka dumarka ayaa waxaa codkooda ku hadlay Sacdiyo oo ka socotay puntland iyo Istar oo ka socotay jubbaland. Sacdiyo iyo Istar waxay ka hadleen inay u hambalyeynayaan shacabka reer puntland meel ay joogaanba, gaar ahaan kuwooda ku nool wadankan Finland munaasabadan way nee ku aadan aasaaskii Puntland.
Waxaa codbaahiyihii lagu wareejiyey Wakiilka dawladda Puntland ee Finland oo khudbadiisa aad loo wada sugayey, qabanqaabada shirkana lug weyn ku lahaa. Wakiilku wuxuu ku nuux-nuuxsaday sida puntland ay u ahayd dhul iyo dad jira oo nadaam iyo kala danbayn lahaa ka hor xornimadii soomaaliya. Wuxuu sheegay in inta badan dhulka puntland ay ka talin jirtay boqortooyo oo ay ka mid tahay taariikhda soomaaliya. Wakiilku wuxuu si xamaasad leh u sheegay in dadka leh puntland soomaali ayey diidantahay ay tahay hadal aan runta laga sheegin. Puntland waxay taariikhda ku gashay inay dhalisay dawladdii iyo xorriyaddii soomaaliya, inay keentay dawlad ku meelgaar ah, iyo weliba inay kumeelgaarnimadii ka saartay ayuu sheegay wakiilku. Wuxuu dadka xasuusiyey Garoowe 1, Garoowe 2 iyo Gaalkacyo 3. Ugu danbayntii wuxuu ugu hambalyeeyey shacabkii reer puntland ee goobta joogay inay manta u debaaldegayaan sannad guuradii 17:aad ee kasoo wareegtay aasaaskii puntland ayna farxad u tahay inuu kala soo qayb galo.
Gebo-gebo: Ugu danbayntii waxaa shirka hadalo waano iyo duco ku soo xiray Ugaas Khaliif Ugaas Maxamed oo ah oday dhaqameed magac dheer ku leh bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Finland. Ugaaska oo ah nin aad looga qadariyo wadankan Finland ayaa u hambalyeeyey reer puntland maadaama ay manta u dabaaldegayaan dhalashii kasoo wareegtay markii la dhisay dawladda puntland. Ugaaska oo sheegay inay puntland aabe iyo hooyaba u tahay maamuladda dhismay iyo kuwa hadda dhismaya iyo weliba dawladda federaalka oo puntland ay doorweyn ku lahayd dhismaheeda. Ugaaska ayaa duco kusoo xiray shirka.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Saciid oo Jaaliyada khadka teleefoonka kala qayb galay Xaflada
Hoosns ka dhagayso Agaasimaha Qurba joogta Puntland oo isna Xaflada uga qayb galay Khadka Teleefoonka
Mahadsanidiin
Guddiga qababqaabada munaasabada 1:da August
(Puntland Society of Finland)