Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dowlada Puntland oo manuucdey Damaashaadkii lagu qaban jirey Bartamaha Gorawe 1 Ogoosto

$
0
0

vlcsnap-2013-10-05-06h34m55s234
Dowlada Puntland ayaa joojisey laga bilaabo sanadkaan Damaashaadkii lagu qaban jirey bartamaha Garowe ee loogu dabaal dagi jirey 1 Ogoosto tasoo lagusoo bandhigi jirey Ciidan Gaardinaya, Qalabka Ciidanka oo noocyo badan, Ardey iyo Ururada Bulshada oo gaardinaya.

Sida ay Puntlandi kasoo xigteen Illo aad ugu dhow Madaxtooyada waxay sheegeen in Damaashaadkaan uu yahay Dhaqan Hore oo caado u ah kaligii talisyada iyo Dalalka Shuuciga tasoo loo baahan yahay iney Puntland ka gudubto.

Waxaa kaloo iyana la sameeyey si tartiib tartiib looga gudbo habdhaqankaan waxaa sanadkaan loo wareejiyey Damaashaadka noocaas ah inuu ka dhaco Bosaso iyo magaalooyin kale.

Caawa waxaa Garowe ka dhacaya Xafladii Habeenimada 1 Ogoosto ka dhici jirtey Madaxtooyada, taas wax lagama badalin waxaana khudbada Damaashaadka 1 Ogosto jeedin doona Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Gaas oo shacabka Puntland la hadli doona.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles