Jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka switzerland gaar ahaan magaalada geneva ayaa lacag dhan $6100 u dirtay mashruuca dhishaha waddada wadaagsin ee Garacad-Galdogob.
Barnaamijka wacyigalinta dhismaha wadada ee maalinkasta oo axad ah ka baxa television caalamiga ah ee Somalisat ayaa axadii la soo dhaafay soo bandhigay qaar ka mid ah magacyada dadkii doorka lixaadka leh ka qaatay hirgalinta uruurinta lacagtaan..
Ugu dambayn waxaan dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay na garab istaagaan , qofkasta iyo koox kasta oo ay suurto gal u tahay in ay wax nagala qabtaan dhismaha wadadaan waan soo dhawaynaynaa, gacmo wadajir bay wax ku gooyaan waxaan sugaynaaba waa asbuuca dambe wadankee ku xigi doona
Abdirisaaq Hassan (Gosol) Email: wadagsin@gmail.com
441214399870