Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hogaaminayay,ayaa caawa makhribkii waxay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo,halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha oo Safar dhinaca Dhulka ah ku tagay Gaalkacyo.
Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa markuu Gaalkacyo yimid wuxuu gaaray Guriga Islaan Bashiir oo uu halkaas kusoo booqdey.
Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawo u hoyan doona magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,waxaana Safarkiisa Gaalkacyo uu soo maray degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal,halkaas oo si wayn loogu soo dhoweeyay.
Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu maalinta bari ah u ambabixi doono magaalada Muqdisho,isla markaana uu Safarkiisii Puntland si rasmi ah uso afmeeray.
Faahfaahinta filo goor dhow.
www.puntlandi.com.