Wadahadaladii Garowe uga socdey Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid , Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Gaas oo Xalay lagu kala tagay kadib markii la isku afgaran waayay Qodobadii miiska saaraa.
Raysal wasaaraha ayaa saaka isku dayay in mar labaad lawada hadlo oo la isu yimaado balse taasi way socon waydey.
Puntland iyo Jubaland waxay saaka Raysal wasaaraha u sheegeen in kulan maanta dhacaa uu yahay wakhti dhumis sababtoo ah Qodobadii Ay dalbadeen dhankooda waa kuwo ay sheegeen ineysan gorgortan ka galayn .
Sidaas ayaana Maantana lagu kala tagey.
Labada dhinac aad ayay uga gaabsadeen iney soo bandhigaan meesha wax marayaan oo ay saxaafada la hadlaan, sida Puntlandi warka ku helayna waxaa la filayaa in beri ay Qoraal kasoo saaraan ay kaga hadlayaan safarka Raysal wasaaraha ee Puntland iyo kulamada dhacay.
Puntlandi
Garowe